Gudiyo ka kala socda Dowlada KMG ah iyo Isbahaysiga Dib u Xoraynta oo ku kulamaya Dalka Jabuuti.
Horaanta isbuuca soo socda ayaa lagu wadaa inay kulankii ugu horeeyay ay qaataan Gudiyo ay soo kala magacaabeen Dowlada KMG ah iyo Isbahaysiga Dib u Xoraynta qeybta ku sugan Dalka Jabuti.
Gudiyadaan oo ka kala socda Isbahaysiga iyo Dowlada KMG ah ayaa lagu inay kulankooda ku lafa guraan dhinacyada Siyaasada iyo Hirgalinta Heshiiskii Jabuuti sida ay sheegayaan Xubnaha Isbahaysiga iyo Dowlada KMG ah.
Kunkaas ay yeelanayaan labada dhinaca ayaa haatan waxaa qaban qaabadiisa laga dareemayaa Dalka Jabuuti, kaas oo qabsoomi doona maalinta Sabtida ah ee Soo socta.
Wararka ayaa intaa ku daraya kulankaas ka dib in labada dhinac ee heshiiska ku gaaray Dalka Jabuuti ay markale Heshiiskaas ku saxiixi doonaan Dalka Sacuudiga, kaas oo ay ka qeyb qaadan doonaan wadamo farabadan oo ka mid ah Beesha Caalamka.
Sikastaba ha’ahaatee arintaa ayaa ku soo beegmaysa xili uu taagan yahay khilaafyo u dhexeeya Dowlada KMG ah gudeheeda iyo Isbahaysiga Dib u xoreynta oo ku kala sugan Dalalka Jabuuti iyo Eratariya.
Comments (0 posted):
Post your comment