

Tigreeda iyo Maleeshiyaadka Ridada oo dharbaaxyo kulul la kulmay xilli barqanimadii maanta ...
Cadowga Tigreega iyo Maleeshiyada Ridada ee lagu soo anshax xumeeyay Itoobiya ayaa barqanimadii maanta dharbaaxyo kulul la kulmay xilli ay isku dayeen in ay isku soo faafiyaan qeybo kamid ah deegaanada Heliwaa iyo Yaaqshid,halkaasi oo ay dhac iyo dhibaato la doonayeen shacabka Muslimka ah.
Dagaal ayaa looga hortagay cadowgaasi taasi oo ku qasabtay in ay dib kaga laabtaan goobihii ay isku soo dayayeen in ay soo galaan iyadoona si ba'an madaafiicda loogu garaacay xarumahooda gaar ahaan warshadda Baastada iyo Xayle Bariise.
Gaalada Tigreeda iyo cadowga Ridada ayaa ujeedkoodu ahaa in ay soo galaan goobaha shacabka ay degan yihin ee ku dhaw dhaw Suuqii Huriwaa,hareeraha Ramadaan iyo deegaano kale oo ay kaga soo galayeen dhanka Jidka dheer ee Towfiiq.
Shacabka Somaliyeed ayaa intooda badan ku baraarugay khatarta cadowgaasi iyagoona u sahla walaalahooda Mujaahidiinta in ay ka hortagaan cadowgaasi marka ay soo galaan goobaha rayidka,iskaashiga shacabka iyo Mujaahidintana waxaa ay dhabar jab ku noqotay shirqoolada gaalada iyo kooxda Ridada.
Comments (0 posted):
Post your comment