Linkz
Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
  • Home | News | C/llaahi Jahwareer oo ahaa taliyihii Nabadsugida Gobolka Bakool oo Xalay lagu Dilay Xudur...

    C/llaahi Jahwareer oo ahaa taliyihii Nabadsugida Gobolka Bakool oo Xalay lagu Dilay Xudur...

    Font size: Enlarge font

    Wararka ka imaanaya Magaalada  Xudur ee Xarunta Gobolka bay ayaa sheegaya in xaalada Magaaladaasi ay Kacsantahay kadib Dil Qorshaysan oo xalay Kooxo ku Hubeysan Bastoolado loogu Gaystay Madaxii Nabadsugida Gobolkaasi Bakool.

    Mas’uulkaasi ayaa xalay markii la dilayay ayaa la sheegay in markaasdi uu ku sii wajahnaa Gurigiisa oo aan ka fogayn Goobta lagu toogtay waxaana la sheegay in ay ka danbeeyeen dilkiisa rag garaya ilaa 3- oo ku Hubeysnaa bastoolado isla markaana markii ay toogteen ay ka baxsadeen goobta dilku ka dhacay.
     
     Waxaa isi soo trayay maalhimii tagay iyo horaantii sanadkaanba dilalka loo gaysanayo Madax iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Saraakiisha Hogaamiso ciidamada Gobolada Bay iyo  Bakool  ay inta badan ugaarsadaan Xoogaga wax iska caabinta ayaga oo ku dila ama la beegsado dilal qorashaysan iyo Qaraxyo sida tii shalay lagu dilay Madaxii Hogaaminayay Maleeshiyaadkii Boliska ee dhawaan lagu soo tababaray dalka Itobiya.
     
    Wali wax ka hadalay ma Jiraan  oo ka tirsan Dhinaca Maamulada  Bay iyo Bakoo waxaana jiray in marar badan halkaasi ama Xudur lagu Dilay oo aysan ka hadlin Maamulada labadaasi Gobol oo ayagaba u Muuqda mid cabsi ay ku jirto

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (0 posted):

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    • Email to a friend
    • Print version
    • Plain text
    Rate this article
    0
    Powered by Vivvo CMS v4.0