

Golaha dhaqanka hawiye oo canbaareeyay hadalkii ay Ciidamada Itoobiya ku amreen in laga guuro qeybo ka mid ah Degmada.
Odayaasha dhaqanka Hawiye ayaa canbaareeyay hadalkii dhawaan ay ciidamada Itoobiya u jeediyeen dadka degan Xeryaha Damanaayo iyo Shiirkole inay halkaas ka guuraan.
Cabadullaahi Xasan Abuukar Afhayeenka Golaha dhaqanka iyo midnimada Beelaha Hawiye dhanka siyaasada ayaa camaarayn dusha kaga tuuray Ciidamada Itoobiya amarka ay u jeediyeen dadka degan xaafadaha demaanyo iyo Xarumihii Saraakiisha shiirkole.
Afhayeenka ayaa intaa ku daray in ciidamada itoobiya ay u yimaadeen magaalada Muqdisho inay xasuuqa shacabka Soomaaliyeed, isagoona xusan inay inta badan magaalada dadkii ku noolaa ay madaafiic waaweyn horey ugu barakiciyeen ayaa yiri Cabdulaahi dheere.
Cabdulaahi dheere oo afhayeenka Siyaasada Golaha dhaqanka waxa uu sheegay in Ciidamada Itoobiya ay ka dhigeen shacabka magalada Muqdisho mid ay dileen iyo mid ay qixiyeen hadana ay wali ku daba jiraan intii ka hartay sida uu yiri.
Si kastabaha ahataa warkaan ka soo baxay Golaha dhaqanka iyo Midnimada Hawiye ayaa ku soo aadaya xili Ciidamada Itoobiya ay ku amreen dadka degan qeybo ka mid ah Muqdisho inay isaga guuraan Guryohooda.
Comments (0 posted):
Post your comment