

Askari Ugandes ah oo cunug ka dhalay gabar Somaliyeed'
Gabar Soomaaliyeed oo magaceeda lagu sheegay Niino Cumar Ibraahim, ayaa caasimadda dalka Ugandha ee Kampala ka baadi-goobaysa Askari ka tirsan ciiddanka difaaca dadka Ugandha ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaan (UPDF), kaasoo Somaliya u joogay nabad ilaalin islamarkaana ka dhalay wiil yar oo afar bilood jir ah.
Niino Cumar Ibraahim ayaa shan maalmood ka hor tagtay magaaladda Kampala ee caasimadda Uganda, kadib markii safar qaatay muddo toddobaad ah kaga soo baxday dalka Somalia ee ay dagaalladu halakeeyeen.
Wargeyska The New Vision, ee ka soo baxa dalka Ugandha, cadadkiisa shalay, ayaa lagu soo daabacay Haweeneydaasi Soomaalida oo cunug yar kor u hayso, waxayna u sheegtay Wargeyskaasi in xaalladda ka jirta gudaha dalka Somalia darteed iyadu ku khasabtay inay soo raadiso aabaha dhalay wiilkeeda, oo ka mid ahaa 1,600-Askari ee Nabad-ilaalinta Ugandhese-ka ee ku sugan gudaha magaalladda Muqdisho.
"Waxaan isaga la kulmay, mar aan aabahay, Sheekh Ibraahim Cumar aan daaweyn ahaan u geeyey Isbitaalka AMISOM ku leeyihiin magaalladda Muqdisho", ayey tiri haweeneydaasi.
Inta ay Niino Ibraahim Cumar baadigoobaysay Askarigaasi, waxaa loo qaaday Xero Qaxooti oo ku taalla Degmadda Kisenyi oo ku dhow magaalladda Kampala, kuna jiraan Qaxooti badan oo Soomaali ah.
"Waan jeclahay aabaha wiilkayga, waxaan u baahanay sidii aan isaga uga heli lahaa kaalmo. Waan u baahanahay isaga, waxaan halkan u imid waa isaga dartiisa. Cunugeyga waa Ugandhese, laakiin, waxaan ka baqanayey in falkaasi dartiisa loo dilo. Halkan waan ku nabad-qabaa", ayey tiri haweenydaasi oo ka gaabsatay qaabka uu ninkaasi ilmaha uga dhalay.
Niino Ibraahim Cumar, ayaa sheegtay inay kaalmo ka heshay guddoomiyaha Jaalliyadda Soomaalida ee ku dhaqan dalka Ugandha, Xuseen Xasan, waxayna Ciiddanadda Ugandha ka doonaysaa inay taageero siiyaan.
Afhayeenka Ciiddamadda Ugandha, Major Paddy Ankunda oo Haweeneydaasi maalintii Jimcaha ee la soo dhaafay kula kulmay Xafiiskiisa ku yaalla Mbuya, ayaa u ballan-qaaday in la caawimi doono.
Afhayeenka, waxa uu tilmaamay in Askariga haweeneydaasi ilmaha ka dhalay uu yahay sarkaalka lagu magacaabo Joshua Asiza oo isagu ka mid ahaa Dufcaddii ugu horreysay ee ciiddamadda Ugandha ee nabad-ilaalinta loo geeyey magaalladda Muqdisho.
"Waxaan doonaynaa inuu isagi qaado mas'uuliyadda iyo xannaanaynta wiilka yar iyo Hooyadiisa, waxay u baahan yihiin taageero" ayuu yiri Paddy Ankunda oo intaasi ku daray:- "Haddii uu sarkaalkaasi beeniyo arrintaasi, taasi waxay noqon doontaa arrin kale".
Afhayeenka, ma sheegin ciqaabta ama dacwadda uu muteysan doono Sarkaalkaasi haddii uu ka dhega-adeego inuu qaado mas\'uuliyadaasi, wuxuuse intaasi ku daray haddii uu Sarkaalkaasi Joshua Asiza aabe u noqdo wiilkaasi yar inuu noqonayo qof jebiyey Nidaamka dabeecadaha ee Ciiddamadda u degsanaa.
Afhayeenka Ciiddamadda dalka Ugandha, Major Paddy Anukunda, waxa uu u sheegay Wargeyska Toddobaadlaha ee The New Vision inaysan eegan karin dishibiliin la\'aanta laga helo Ciiddamadda hawlgalladda Nabad-ilaalinta loo diro.
Sarkaalka Joshua Asiza, ayaa la sheegay inuu shalay diiday yeeritaan looga codsado inuu arrintaasi ka warbixiyo.
Madaxweynaha dalka Ugandha, Yuweri Museveni oo Ciiddamadda Ugandha ee loo soo diray dalka Somalia kula kulmay magaalooyinka Kimaka iyo Jinja intaysan Somalia u soo ambabixin, ayaa ku yiri:- "Waxaad baxaysaan idinkoo caafimaad qabaa. Ha u bixinna, hana bilaabinna dabeecad mas'uuliyad darro ah, oo aad ka arki doontaan heshiiska HIV/AIDS-ka".
Madaxweynaha, waxa uu uga digay Saraakiisha inay joojiyaan falalka mooraalka qaldan.
Ma aha markii ugu horreysay oo ay Ciiddamo Ugandha ah oo hawlgallo Nabad-ilaalin ah loo diro ay ka daba yimaadaan Haween wata carruur la sheego inay aabe u yihiin qaar ka mid ah Saraakiisha Ciiddamadaasi hoggaminayey.
Ciiddamadda Ugandha ee hawlgalka Nabad-ilaalinta loogu diray dalka Jamhuuriyadda Kongadda Dimuqraadiga, waxaa la arkay haween badan oo ilmo wata, kuwaasi oo la soo laabtay Saraakiisha Ugandha, markii ay Hawlgalka soo dhamaysteen.
Qaar badan oo haweenkaasi ayey askartii guursadeen oo xaasas u nqoday.
Si kastaba ha ahaatee, waa markii ugu horreysay oo la soo bandhigo Haweeney Soomaali ah oo ilmo u dhasha Sarkaal ka tirsan Ciiddamadda AMISOM ee ka hawlgala magaalladda Muqdisho, waxayna dad badan u arkaan .
Xigasho:http://allafrica.com/stories/200808250518.html
Comments (2 posted):
waxaa la daabacay Thu 28 Aug 2024 08: 49: 29
Alaha u naxariistee waxaa maanta Aroornimaddi oo bishu tahay 8/23/08 magaalada Muqadisho ku geeriyooday Marxuun Dr.Cabdiqadir Sheekh Axmed oo loo yaqaan ( Cabdiqadir Shiino ),
waxan halkan uga tacsiyedeyneynaa walaalahiis iyo ubadkiisa oo kala ah:Cumar Sheekh Axmed oo jooga USA,Drs.Xaawo Sheekh Axmed,Jamaalo Sheekh Axmed oo joogaan UK,Cabdilahi Sheekh Axmed oo jooga Soomaaliya,Seynab Sheekh Axmed oo joogto Suies, Maxamuud Sheekh Axmed oo joogo Canada iyo caruurtiisa iyo caruurtiisa oo kala ah: Nimco,Ismaciil,Cumar,Xasan,Saciid,Xuseen,Ifraax,Muno,Farxiyo,Maxamed iyo Mustaf oo kala joogo gudaha iyo dibadaba waxan marxuumka ilahey uga baryeynaa in uu janadii fardowse ka waraabiyo eheladii uu ka tagayna samir iyo iimaan ka siiyo Amiin
waxaa halkan ka tacsiyadeynayo
Prof. Osman Xuseen ( Shiis ) iyo caruurtiisa
Dr.Sufi Xuseen xaaji,xaaskiisa iyo caruurtooda
Ing.Omar Xuseen Xaaji,xaaskiisa iyo caruurtooda
Drs. Batuulo Xuseen xaaji saaygeeda iyo caruurtooda
Hindi Xuseen Xaaji saaygeeda iyo caruurtooda
Sahro Maxamed Axmed
Amino Maxamed Axmed
Caasho Maxamed Axmed
Buraaqo Maxamed Axmed
Cabdixakiin Maxamed Axmed
Xamza Maxamed Axmed
Najma Maxamed Axmed
iyo caruurtooda oo kala jooga UK iyo Canada
Waxaan Ilaahay uga barinaynaa inuu Janadii ka waraabiyo
Ehelka uu ka tagayna uu ka siiyo samir iyo Iimaan
Ammiin Ammiin Ammiin Alahayow
W/D cumar<<[email protected]>>
Post your comment