Linkz
Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
  • Home | Maqaalo | Sheeko Cajaaib leh Nin cadaan ah oo nin madow ah libaax cunto ahaan u siiyay!!!!!

    Sheeko Cajaaib leh Nin cadaan ah oo nin madow ah libaax cunto ahaan u siiyay!!!!!

    Font size: Enlarge font

    Nin u dhashey wadankan South-Africa islamarkaana ka soo jeedda qowmiyadda laga tirada badan yahay ee mar xukunka gacanta ku hayay ee White People lagu magaacabo ayaa lagu xukumay xabsi daa’im kadib markii lagu eedeeyey in shaqaalihiisa uu cunta ahaan u siiyey bahalka laga cabsado ee Libaaxa ayaa maanta xabsiga laga sii daayey si shuruud ah kadib markii uu xabsiga ku dhameystey saddex sano oo xarig ah.

    Arrintaan ayaa dad baddan oo ku dhaqan waddankan South-Afirca lab-yaab ku abuurtey kadib 10- sano oo uusan ka jirin dalka S/Africa nidaamkii midab takoorka ku dhisnaa , wallow qaar ka tirsan beeraleyda weli waxa ay ku eedeenayaan in caddaanka ay kala kulmaan hab dhaqan xun ayna kafaa’ideystaan shaqaalaha madowga bacdama shaqalaha madow ay ku shaqaleysiyaan qiimo jaban.

    Wargyska ka soo baxa guud ahaan dalka South-Africa Ee lagu magaacabo dailsun ayaa sharaxaad ka bixiyeey dacwadda Ninkan iyado Ninkan ay xukuntay maxkamad ku taal gobolka Limbobo sanadkii 2005 kadib markii uu Nin u shaqeenayey uu utuuray libaax.

    Arrimha midab takoorka ayaa dalka southa- Africa ka leh xasaasiyad gaar ah, siiba marka ay timaado in nin cadaan ah uu wax ku sameeyo qof madow ah, dhowr bilood ka hor ayay ahayd markii dalka south- Africa uu la gilgishey wiil cadaan ah oo 18- jir ah oo mar kaliya toogtey 4 qof oo uu ilmo dhabarka lagu hayo ku jiro arrintaas oo sameysay guud ahaan wadanka South-Africa.

    Si Kastaba ha ahaatee Arrintaasi dad badan oo madow ah carro weyn ku dhalisey iyago fal midab takoor ah ku timaameey.Sidoo kale Waxaa kale oo ay carro ka dhalatay markii nin beeraleey cadaan ah uu toogasho ku diley nin madow ah, markii maxkamad la keeney oo la weeydiiyeyna uu yiri "waxaan u maleenayey daanyeer".

    Dadka White People lagu magaacabo ayaa maalgalin culus ku leh dalka south-Africa intiisa baddan hadii ay ahaan lahud Maamuladda ganacsiyada waaweyn, warshadaha, beeraha iyo mashaariic kale oo ay dowladu bixiso.

    Hassan YeeY
    South-Africa-;Johannesburg,
    Emil;[email protected]

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (1 posted):

    cajiib on 24 August, 2008 09:09:43
    walaahi waa wax la la yaabo

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    • Email to a friend
    • Print version
    • Plain text
    Rate this article
    0
    Powered by Vivvo CMS v4.0