Linkz
  • Home | General | Madaafiic ay dadi ku dhaawacmeen oo galabta laysku weydaarsaday qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho.

    Madaafiic ay dadi ku dhaawacmeen oo galabta laysku weydaarsaday qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho.

    Font size: Enlarge font

    Gabaldhicii galabta ayaa waxaa duqeyn loo geystay xarunta Ciidankii Asluubta Soomaliyeed halkaasi oo ay fariisimo ku leeyihin Ciidamad KMG iyo kuwa Ethiopia.

    Goob joogayaal ayaa idaacada shabelle u xaqiijiyay in ugu yaraan 5 madfac ay ku dhaceen gudaha xerada Asluubta halkaasi oo waqtiga ay madaafiicda ku dhaceen ay ku sugnaayeen ciidamo boolis ah oo dhawaan logu soo tababaray dalk Ethiopia iyo ciidamadii Ethiopia oo horay halkaa u daganaa.

    Madaafiicdaan oo mas’uuliyadiisa ay sheegteen ururka islaamiga ah ee Alshabaab ayaana la ogeyn waxa qasaaro ah ee ka soo gaaray ciidamada dawlada federaalka iyo kuwa Ethiopia ee halkaasi daganaa.

    Wax yar kadib markii ay halkaasi ku dhaceen madaaficda ayaa waxaa xaafado ka tirsan degmada Hodan iyo gudaha Suuqa bakaaraha ku soo dhacay madafiic u muuqday jawaab oo kasoo dhacayay xarumaha ciidamada Ethiopia gaar ahaan dhismaha wasaaradii hore ee gaashandhiga.

    Mid ka mid ah madaaficda oo ku soo dhacay gudaha Suuqa bakaaraha ayaa dhaliyay dhawaaca ilaa 5 qof oo dhamaantood rayid ah, kuwaasi oo dhaawcooda  isugu jira mid culus iyo kuwa fudud, waxaana la ogeyn qasaaraha kadhashay madaafiic iyana ku dhacay xaafada warshadii hore ee caanaha iyo goobo ka agdhaw.

    Marka ay dhacaan duqeynta nuucaan oo kale ah ayaa  inta badan waxay dadka muqdisho fishaan  duqeyn lala beegsado guryahooda taasi oo dadka ku noqotay su’aal anay jawaabteeda wali helin sababta loo duqeynayo maadaama ay ka madax banaanyihin dhinacyada ishaaya.

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (0 posted):

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    • Email to a friend
    • Print version
    • Plain text
    Rate this article
    0
    Powered by Vivvo CMS v4.0