Linkz
Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
  • Home | General | Khilaafkii ugu xooganaa oo soo kala dhaxgalay Madaxwayne C/laahi Yuusuf iyo Ra'iisul wasaare Nuur Cadde.

    Khilaafkii ugu xooganaa oo soo kala dhaxgalay Madaxwayne C/laahi Yuusuf iyo Ra'iisul wasaare Nuur Cadde.

    Font size: Enlarge font

    Khilaafkaan soo kala dhaxgalay madaxda dowlada KMG ayaa waxaa uu ahaa mid soo jiitamayay mudo dheer waxaase uu soo ifbaxay markii Ra’iisul wasaare Nuur Xasan Xuseen(Nuur Cadde) uu ku dhawaaqay in xilikii laga xayuubiyay gudoomiyihii gobalka Banaadir Max'ed Cumar Xabeeb(Max'ed Dheere)

    Waxyaabaha ugu weyn ee ay isku haayaan madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf Axmed iyo Ra'iisul wasaare Nuur Cadde ayaa waxaa ka mid ah arimaha dib u heshiisiinta oo ay ku kala aragti duawn yihin taasi oo ka mid ah wax yaabaha loo aanay nayo in uu Nuur Cadde u doortay in uu xilka ka xayuubiyo Max'ed Dheere.

    Warar ku dhaw Ra'iisul wasaare Nuur Cadde ayaa sheegaya in uu sidoo kale qorsheynayo in uu xilka ka qado rag kale oo uu u arko in ay caqabad ku yihiin howlihiisa dhinaca dib u heshiisiinta balse aanu fikirkaasi qaban Madaxwayne Cabdulaahi Yuusuf  oo ay la tahay raga miiska saaran in ay muhiim u yihin la dagaalanka dadka mucaaradka ku ah.

    Waxaa jira dhawr qorshe oo ka dhan ah Ra'iisul wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) kuwaa oo la qorshaynayo in xilka lagaga qaado iyadoo loo marayo dhinaca  baarlamaanka loona adeegsanyo waxyaabo ay dad badan u arkaan in aanay runtu ahayn sida dhunsi dhaqaale taas oo ahayd caqabad caadiyan haysatay DF oo anay mardha ku guulaysan samaynta habshirciyeed dhaqaale oo shaqeeya mudadii ay jirtay

    Raiisul wasaare Nuur Cadde ayaa dad badan ay u arkan in uu yahay ninka kaliya ee muujiyay dabacsanan siyaadeed taas oo keentay in uu kasbado taageero badan dhinaca beesha caalamka ah iyo dad badan oo somaliyeed,hase yaashee taa ayaa sal u ah waxyaabaha u soo jiiday Nuur Cadde Qatar dhinaca siyaasada ah oo hada soo food saartay

    Waxaan cadayn aragtida qilaafkaan ee ku aadan dhinaca Ethiopia oo ah dalka u suurta galiyay dowlada KMG in ay soo cagadhigato magaalada muqdisho waxaase la aaminsanyahay in ay tahay gacanta kaliya ee marka xaalku uu murgo soo afmeeri karta kalana goyn karta sax iyo qaladba.

    Khilaafka soo kala dhax galay madaxda dowlada KMG ayaa waxa uu ku soo aadayaa xili iyana kala jaheysteen  madaxda isbaheysiga dib u Xoreynta Soomaaliya taasoo ah  Caqabad soo wajahday hanaanka dib u hishiishiisiinta oo uu ku furmay khilaaf hor leh oo soo kala dhax galay siyaasiyiintii markii hore ee isku dhinac ahaa

    Waxaa la sugayaa halka uu ku danbeyn doono qilaafka madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf  iyo Ra'iisul wasaare Nuur Cadde ma halkii pro. Geedi ayuu mari mise xaalka si kale ayuu noqon?.

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (1 posted):

    Abbas on 01 August, 2008 04:54:28
    Marki horeba waa loo jeday in in dacabd ah iyo mid qayano wata mel isla mari karin.marka waxan rajaynay Nur Husayn in uu faraskisa dhareayn dono

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    • Email to a friend
    • Print version
    • Plain text
    Rate this article
    0
    Powered by Vivvo CMS v4.0