Nuur Cadde: Xeer ilaaliyaha shaqo kuma laha in uu ka hadlo arrimaha is-heysadka madaxda Dowladda (Dhageeyso)
Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ka qeybqaadanayay Barnaamijka hadal-heynta todobaadka ee Jimco kasta ka baxa Idaacadda Horn Afrik ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in sida kaliya ee lagu gaari karo nabad waarta ay tahay dib u heshiisiin.
“Furaha kaliya ee Nabad Waarta lagu gaari karo waa Dib u heshiisiinta, meel wanaagsan ayayna mareysaa”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo sheegay in heshiiskii ay dhinacyada Dowladda Federalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta ay ku gaareen Magaalada Djibouti mar kale dhawaan si rasmi ah loogu saxiixi doono Dalka Sacuudiga.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa intii uu Barnaamijka ka qeybqaadanayay waxaa uu tallooyin ka guddoomay Dad Idaacadda soo wacay oo uu ugu horeeyay Prof. Cali C/raxmaan Xirsi oo Ra’iisal Wasaaraha ku ammaanay in uu ku shaqeynayo ballanqaadkii uu bixiyay markii la soo magacaabay, kaasi oo ahaa in uu dib u heshiisiinta ka shaqeyn doono, cid kastana uu la hadli doono, isagoo ugu dambeyntiina kula dardaarmay Ra’iisal Wasaaraha in uu ku sii socdo dariiqa uu hadda ku socdo.
Mar wax laga weydiiyay Ra’iisal Wasaaraha goorta ay Xukuumaddiisa Muqdisho ku soo celineyso dadkii ku barakacay dagalladii Muqdisho ka dhacay, waxaa uu sheegay in uu socdo dadaal arrintaas ku saabsan, wuxuuna dadka ka codsaday in ay dul-qaataan inta yar laga dhameystirayo dadaallo arrintaas lagu doonayo.
Ra'isal Wasaaraha oo isla qodobkaas ka sii hadlayay waxaa uu sheegay in ay si weyn u dhibeyso dhibaatada ay ku jiraan shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in uusan marna ogolaan karin in ay dadkii Muqdisho ka barakacay ku noolaadaan meelo aan munaasib u ahayn, isla markaana dhibaatadaas lagu sii hayo.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde in uu jiro khilaaf sida uu yiri aan buurneyn oo soo kala dhexgalay madaxda sare ee Dowladda, wuxuuse sheegay in uusan khilaafkaas ahayn mid lagu kala tegay oo gebi ahaanba meesha ka saaraya hannaanka Dowladeed ee hadda jira.
Saameynta ay dadaallada dib u heshiineed ku yeelan karaan khilaafka soo kala dhexgalay Madaxda Dowladda ayaa wuxuu sheegay in uusan wax saameyn ku yeelan doonin, wuxuuna caddeeyay in ay dadaallada dib u heshiisiineed sii socon doonaan xitaa haddii uu isaga meesha ka tago.
Waxaa wax laga weydiiyay qoraal uu dhawaan soo saaray Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka C/llaahi Daahir Barre, kaasi oo uu xusnaa qodob sheegayay in Ra’iisal Wasaaraha uu ku qaldanaa xil ka qaadistii uu ku sameeyay Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Maxamed Dheere, wuxuuna Ra’iisal Wasaaraha oo arintaas ka jawaabayay uu sheegay in Xeer ilaaliyaha uusan shaqo ku lahayn in uu ka hadlo arrimaha is-heysadka madaxda Dowladda, arrintaasna ay khuseyn lahayd Maxkamadda Dastuuriga ah ee dalka, oo sida uu yiri aan haatan dhisneyn.
Xeer Ilaaliyaha ayuu ugu baaqay Ra'isal Wasaare Nuur Cadde in uusan sameynin wax sharciga ka hor-imaanaya, wuxuuna sheegay in Xeer ilaaliyaha howshiisa ay tahay kaliya in uu sharciga ilaaliyo, isla markaana dacwado soo oogo marka dembiyo la galo.
Ugu dambeyntiina, Ra’iisal Wasaaraha oo uu wax ka weydiiyay Wariyihii Barnaamijka daadihinayay ahna agaasimeha Idaacadda HornAfrik Saciid Tahliil Axmed waxa uu ka leeyahay eedo loo jeediyo oo ku saabsan in uusan Saxaafadaha gudaha la hadalkeeda jeceleyn ayaa wuxuu Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde sheegay in taasi lagu sheego, wuxuuna soo hadal qaaday inuu mar xitaa Sawir Cartoon ah oo arrintaas la xiriirta uu ka sameeyay Amiin Caamir oo ku tilmaamayay in uu saxaafadda gudaha iska diido, isla markaana uu ogolaado kaliya saxaafadda dibadda, wuxuuse sheegay in uu taasi u qaadanayo Sawir kaftan ah.
Comments (1 posted):
Post your comment