3-caruur dugsiley ah iyo tiro kale oo ku dhintay Dagaalkii galabta ka dhacay qeybo ka mid ah Muqdisho.
Waxaa isa soo taraya qasaaraha uu geystay Dagaal xoogan oo galabnimadii maanta ka dhacay qeybo ka mid ah Degmada Yaashiid ee Magaalada Muqdisho, iyadoona dagaalada si xoogan uga socdeen xaafadaha ku dhow dhow Jidka Warshadaha.
Dagaalka oo aad u kululaa ayaa waxaa dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay dad rayid ah oo ay ku jiraan arday dugsi quraan ah oo xilli ay dugsiga ka soo baxaan uu Madfac ku habsaday.
Ilaa saddex caruur ah ayaa ku dhimatay 13 kalena dhaawac ayaa soo gaaray, markii uu Madfac ku habsaday, xilli ay ka soo baxeen Dugsi quraan ku yiil Xaafada Ciise Cabdi ee Degmada Dayniile.
Sidoo kale waxaa la soo sheegayaa in ilaa 3 ruux ay iyana ku dhinteen Xaafada Suuq Bacaad, kadib markii ay rasaas wiifto ah ugu timid xaafadahooda, xilliga dagaalka ka soconayay Xaafada Towfiiq.
Waxaa wali adag in la ogaado qasaaraha kale ee ay sababeen madaafiicda, la is dhaafsanayay iyo kuwa ay si toos ah goobaha shacabka ugu garaacayeen Ciidamada Ethiopia, iyadoona ay tahay xilli habeen ah.
Ciidamada Ethiopia ayaa Madaafiic la dhacayay Xaafadaha ku teedsan Jidka Warshadaha, iyadoona Madaafiicdaas ka dambeysay dagaalo iyo weeraro fool ka fool ah oo ay Kooxaha Kacdoonka ku qaadeen.
Afhayeen u hadlay Maxkamadaha ayaa sheegay in ay weerareen Ciidamada Ethiopianka ee ku sugan Stadium Muqdisho iyo kuwa Dowladda ee fadhiya Isgoyska Towfiiq, wuxuuna sheegay in Xoogagooda uu dagaalka Ilaahey Nasri ku siiyay, isagoona xusay in dagaalka aanay wax dhimasho iyo dhaawac dhankooda uusan ka soo gaarin.
Comments (0 posted):
Post your comment