Linkz
  • Home | News | Ciidamada Dowladda ee lagu soo tababaray Ethiopia oo iyagoo ku soo jeeda Muqdisho dagaal qabsaday.

    Ciidamada Dowladda ee lagu soo tababaray Ethiopia oo iyagoo ku soo jeeda Muqdisho dagaal qabsaday.

    Font size: Enlarge font

    Wararka ka imaanaya Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Dagaal la isku gabal dhacsaday uu ka soconayo agagaarka Balli-doogle, halkaasoo lagu weeraray Ciidamada Dowladda ee dhowaan lagu soo tababaray Dalka Ethiopia.

    Wararka ayaa sheegaya in dagaalka xoogiisa ka socdo meel u dhow Balli-doogle, waxaana halkaas wadada u galay Kooxaha Kacdoonka oo dhowr jiho ka soo weeraray Ciidamada Cusub xilli ay ku soo jeedeen Magaalada Muqdisho.

    Ciidamadan ayaa ka soo dhaqaaqay Magaalada Baydhabo, iyagoo intii ay ku soo jireen lagu galay meel lagu magacaabo Tabeelaha, halkaasoo ay rasaas xoogan isku weydaarsadeen Kooxaha weeraray.

    Dadka deegaanka ayaa sheegaya in Ciidamada oo qaarkood lugeynaya ay si toos ah isaga horyimaadeen Kooxaha Kacdoonka oo ahaa kuwo dagaalka u dhimaa, waxaana si wada jir ah dagaalka ugu jiray Kooxaha Maxkamadaha iyo Alshabaab.

    Lama oga qasaaraha uu geystay dagaalka, waxaana la soo sheegayaa in dagaalka uu yahay mid si xoogan haatan uga soconaya agagaaraha Balli-doogle.

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (0 posted):

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    • Email to a friend
    • Print version
    • Plain text
  • Rate this article
    0
    Powered by Vivvo CMS v4.0