Linkz
  • Home | News | GUDDOOMIYAHA DEGMADA BOONDHEERE: “Maxamed Dheere iyo Ciidamadiisa ayaa gurigeyga soo weeraray waxayna ka qaateen......

    GUDDOOMIYAHA DEGMADA BOONDHEERE: “Maxamed Dheere iyo Ciidamadiisa ayaa gurigeyga soo weeraray waxayna ka qaateen......

    Font size: Enlarge font

    Guddoomiyaha Degmada Boondheere C/llaahi Xirsi Wardheere (Istakiin) ayaa ku eedeeyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) in uu gurigiisa soo weeraray, isla markaana uu ka qaatay lacag iyo bastoolad uu isku ilaalin jiray.

    “Sabab kale oo uu Maxamed Dheere gurigeyga u soo weeraray ma jirin, kaliya wuxuu ka careysnaa qaar ka mid ah Ciidamadiisa oo aan soo qabanay iyagoo falal dhac ah ka geysanayay gudaha Degmada Boondheere”ayuu yiri C/llaahi Xirsi Wardheere oo intaas ku daray in Ciidamada Maxamed Dheere ay jir-dil u geysteen Xaaskiisa iyo Dad kale oo ay qaraabo yihiin oo gurigiisa joogay.

    Guddomiyaha Degmada Boondheere oo sheegay in uu howshiisa sii wadan doono waxaa uu caddeeyay in uu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ku dacweyn doono Dowladda Dhexe oo uu maamulka Gobolka Banaadir hoos-tago.

    Mar wax laga weydiiyay in uu xiriir la sameeyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir kadib markii gurigiisa falkaas lagula kacay waxaa uu sheegay in uu xiriir la sameey balse uu ka waayay Maxamed Dheere war uu ku qanco, “Wuxuu igu yiri Maxamed Dheere gurigaaga waxaa looga shakiyay in lagu sameeyo Waxyaabaha qarxa, sidaas ayaana loo baaray”ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Boondheere C/llaahi Xirsi Wardheere (Istakiin).

    Guddoomiyaha Degmada Boondheere ayaa wuxuu noqonayaa Guddoomiyihii labaad oo eedeyn u jeediya Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, mar sii horeysay ayayna ahayd markii uu Guddoomiyaha Degmada Huriwaa Cumar Axmed Cabdulle (Cumar Jacfaan) uu Guddoomiyaha Gobolka Banadir ku eedeeyay in uusan ula dhaqmin sida Guddoomiye Degmo oo kale, isla markaana uu mararka qaarkood kula hadlo hadallo aan wanaagsaneyn, inkastoo khilaafkaas mar dambe la xaliyay.

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (0 posted):

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    • Email to a friend
    • Print version
    • Plain text
  • Rate this article
    0
    Powered by Vivvo CMS v4.0