Linkz
  • Home | News | Dr Daahir Geelle Shirkii Yemen wuxuu ku dhamaaday in la aqbalay heshiiskii Jabuuti,lana ogolaaday (Dhageeyso)

    Dr Daahir Geelle Shirkii Yemen wuxuu ku dhamaaday in la aqbalay heshiiskii Jabuuti,lana ogolaaday (Dhageeyso)

    Font size: Enlarge font

    Dhageeso 18 Jul 2024 Dr Daahir Max'uud Geelle oo ahaa afhayeenkii Wafdiga Isbaheysiga Xoreynta ee Shirki Jabuuti ayaa isagoo ku sugan magaalada Cadan waxaa uu iclaamiyay in shirki Yemen kaga socday xubnaha Midowga Maxaakimta islaamka uu guul kusoo dhamaaday heshiisna lagu gaaray.

     Halkaan ka dhageeso warkii

    Dr Geelle oo si taxadir ka muuqda ula hadlay warbaahinta iska dhowrayay si qota ah in uu kaga hadlo arrimihii lagu heshiiyay ayaa xaqiijiyay in shirka uu kusoo dhamaaday in la ogolaaday heshiskii Jabuuti,balse qodobada qaar si kale loo dhigayo kuwa kalena la isla arki doono.

    Waxaa uu daaha ka rogay in guddi uu ku magacaabay Taxkiim uu kala xukmiyaya dhinacyada Asmara iyo Jabuuti ee Isbaheysigooda isla markaana dhinaca la iska dhigay khilaafaadkii jiray,la iskuna ogolaaday sida hadda wax ku socdaan in lasii wado.

     Dr Daahir waxa uu dhanka kale sheegay in la adkeeyay ciidamada ajaanib ah dalka in ay yimaadaan balse noqda kuwa ka socda dalalka Islaamka,maadaama loo arkay sida uu yiri in ay ka shar yar yihiin ciidamada Itoobiyaanka ee shacabka baabi'inta ku haya,sida uu hadalka sii raaciyay.

     Hogaanka Isbaheysiga ahna Gudoomiyaha Maxaakimta Sheekh Shariif ayaa lagu wadaa dhawaan in uu soo saaro bayaan cad oo ku aadan waxyaabihii kasoo baxay shirkii Cadan halkaasi oo uu ku cadeyn doono qodobadii lagu heshiiyay oo dhameystiran.

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (0 posted):

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    • Email to a friend
    • Print version
    • Plain text
  • Rate this article
    0
    Powered by Vivvo CMS v4.0