Linkz
  • Home | News | Xoogaga Al Shabaab ayaa Xalay si xoog ah ula wareegey Saldhiga xaafada Mursal Magaalada baydhabo...

    Xoogaga Al Shabaab ayaa Xalay si xoog ah ula wareegey Saldhiga xaafada Mursal Magaalada baydhabo...

    Font size: Enlarge font

    Xoogaga Al-Shabaab ayaa markii labaad Gudaha u galay magaalada Baydhabo iyagoo xalay Weerar culus kula wareegay saldhiga Booliska Xaafada Mursal ee magaalada baydhabo halkaas oo ay ku sugnaayen Maleyshiyaadka kooxda Imbagathi kuwaas oo markii qadar qadiiqado ah xabadu socotey isaga cararay goobtii

    Waa marlii labaad ee ay Mujaahidiinta Al Shabaab gudaha ugalaan magaalada baydhabo Bishaan iyagoo Horaantii Bishaan weerar culus kula wareegey inta badan magaalada kadibna isaga baxay halka Caawana ay la wareegen Dhaldhiga ugu weyn magaalada oo kooxda Imbagathi ay ku xiraan dadaka ay udhoofiyaan dalka Itobiya.

    Waxaa wararka halkaas anaga soo gaaraya ay sheegayaan in dagaalka caawa Mujaahidiintu kula wareegen Saldhiga ay la baxeen dad Mxaabiis ahaan halkaas ugu xiraa oo qaar kood la sheegay in ay ahaayen Macalimiin dugsi oo Quraanka ka dhiga magaalada Baydhabo kuwaas oo Kooxda Imbagathi ay halkaasi ku hayeen in mudo ah iyagoo sidoo kale Halkaasi kahelay saanad Ciidan oo ay isaga carareen Maleyshiyaadkii halkaas ku sugnaa.

    Arinkaan ayaa waxuu ku soo begmeysa xili uu Sheydaan Adan Madoobe manta ku andacoonayey in Dagaalkii Bardaale ay ku luglahaayen ciidamo Ajaanim ah laakiin arinkaan ayaan dadka Somaliyeed iyo Caalamakaba aan wax micno ah u sameyney waayo Kooxdan Dabo Dhilifkaa ayaa marwalba ku andacooda in Ciidamo Ajaanim ah ayjoogaan Dalka Somaliya.

    Al-Shabaab ayaa bilihii ugu danbeeyay waxay dar dar Milatari ka wadeen Magaalada baydhabo iyo Bakool oo ay shalay Gudaha u galeen Degmada Muhiimka ah ee Bardaale waxana la xaqiijiyay in ay haatan ku suganyihiin, wallow Dagaalo ay ku Galeen Baydhabo oo Xarun u ah Baarlamaanka fadhiidka ah ay ku Guulaysteen.

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (1 posted):

    cadeey on 19 July, 2008 10:21:59
    maasha alaah ilaahoow xaqau hiili oo inaga qabo amxaar iyo waxii wadaba oo muslimiinta meesheey joogaanbau maciin dalkana nabad ilaahoow ku soo dabaal iyo dowlad caadila oo diinta ku maamusho aamiin

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    • Email to a friend
    • Print version
    • Plain text
  • Rate this article
    0
    Powered by Vivvo CMS v4.0