dhaawacyo Farabadan oo saacadihii ugu danbeeyay lagaarsiiyay Isbitaalka Madiina (Daawo sawirada)
ku dhawaad 10 ruux ayaa lageeyay cusbitalka madiina 24-kii saac ee ugu danbeeyay, ka dib markii dagaalo ka dheceen qeybo ka mid ah magaalada.
Agaasimaha cusbitaalka madina Cali Macallin Maxamuud oo loo yaqaan (Cali Cadde) ayaa saaka warbixin kooban ka siiyay Soomaalinews sida uu yahay saaka Isbitaalka iyo dhaawacyada yaala.
“Waxaa nasoo gaartay ilaa 10- qof oo rayid badan kuwaas oo ku soo dhaawacmay dagaalkii saaka iyo kii ka horeeyay waxaana loo fidiyay adeeg Caafimaad, iyadoo qaarkood markii loo sameeyay adeeg Caafimaad isaga baxay Isbitaalka.
Mid ka mid ah bukaanada dhaawaca ah oo Shabakada Soomaalinews la sheekaysatay ayaa ku calaacalay in uu ka xunyahay dhaawaca soo gaaray, balse uu Alle ka baryay caafimaad in uu siiyo.
Inta badan ayaa waxaa caado noqotay in ay waxyeelo ka soo gaarto birimagaydada iyo dad aan wax galabsan dagaalada ka soconaya Soomaaliya, taas oo sabab looga dhigay dagaalada ku soo laablaabtay dalka Soomaaliya.
Ugu danbayntii marka aad booqoto Cusbitalka Madiina ayaa waxaa ku arkaysaa dhaawacyo farabadan, kuwaas oo qaarkood ku calool xumaynaya, waxaana haatan cusbitalka Madiina ku jira bukaanno tiradooda gaaraysa ilaa 76-ruux oo qaba dhaawacyo kala duwan.
Comments (0 posted):
Post your comment