Linkz
  • Home | News | Diyaarad galabta Magaalada Baydhabo ka qaaday Meydad iyo dhaawacyo Ciidamo Ethiopian iyo kuwo soomaali, kadib duqeyntii xalay.

    Diyaarad galabta Magaalada Baydhabo ka qaaday Meydad iyo dhaawacyo Ciidamo Ethiopian iyo kuwo soomaali, kadib duqeyntii xalay.

    Font size: Enlarge font

    Warar xog ogaal ah oo laga helayo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa sheegaya in Diyaarad qaas ah oo ah kuwa Milateriga ay galabta garoonka Diyaaradaha Baydhabo ka qaaday Meydad iyo dhaawacyo askar ka tirsan Ciidamada Dowladda iyo kuwa Ethiopia, kuwaasi oo waxyeelo ka soo gaartay Duqeyntii xalay loo geystay magaaladaas.

    Wararka ayaa sheegaya in ugu yaraan 20 dhaawacyo isugu jira soomaali iyo Ethiopian oo dhaawacyadooda ahaa mid halis ah laga qaaday Magaalada, iyadoona intii la qaadayay hakad la geliyay dhaq dhaqaaqii magaalada.

    Xoogaga Alshabaab ayaa xalay Duqeyn culus u geystay Goobo ay bartilmaameedsadeen Gudaha Magaalada Baydhabo, taasoo la sheegay in ilaa 5 goobood ay weerareen markii ay gudaha usoo galeen saqdii dhexe ee xalay.

    Dhimashada iyo dhaawacyada ayaa ahaa kuwo keenay madaafiicda oo xilli aysan fileyn lagu garaacay teendhooyin ay ku jireen Ciidamada, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha Dowladda oo codsaday inaan magacooda la sheegay.

    Inta la og yahay 12 askari oo kuwa Dowladda, gaar ahaan kuwa Madaxtooyada Baydhabo ee daacada u ah Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa ku dhintay weerarkaas, halka tiro askar Ethiopian oo aan tiradooda la heyn ay iyana ku dhinteen.

    Diyaarada galabta ka qaaday Meydadka iyo dhaawacyada ayaa aheyd diyaarad saanad milateri u keentay Ciidamada Ethiopianka oo xarun weyn ku leh magaalada Baydhabo.

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (9 posted):

    deeqoow on 08 July, 2008 04:06:26
    waxba kama jiraan waana sii wadi doonaa sidii aanu dalka ugu soo dabaali lahayn kala dambayntii iyo dawladnimadii laga tegey kuwa caadeystay xoolaha dadweynaha ee ku naaxay bililiqada laga hari maayo ilaa kan u dambeeya waxba diin haku gambanina waa la idinka war hayaa cayroow inaad tuugo tihiin
    deeqoow on 08 July, 2008 04:06:26
    waxba kama jiraan waana sii wadi doonaa sidii aanu dalka ugu soo dabaali lahayn kala dambayntii iyo dawladnimadii laga tegey kuwa caadeystay xoolaha dadweynaha ee ku naaxay bililiqada laga hari maayo ilaa kan u dambeeya waxba diin haku gambanina waa la idinka war hayaa cayroow inaad tuugo tihiin
    kamaal59 on 09 July, 2008 09:41:30
    deeqoow waxaa ku haya cudur ceyr la yiraahdo waase kaa gubeynaa maxaa qabiilka ku daba dhigey duliyahow maxeyse kaa qaateen amxaaro maxaa ugu hiileysanaa sow muslim ma tihid mise gaal baa noqotey xaga alaha ku tusiyo duliyahow
    deeqoow on 09 July, 2008 03:29:07
    anigu cudur ima hayo cayrna isagaa cudur ah ee ilaahoow ha igu ridin hana iga dhigin saa noqon mayee cayr maaha ee waa ceeb, waana wax laga xishoodo nin kamaal la yiraahdo baaba isla soo mutuxay oo raba ceeb inuu difaaco mida kale muslinimada ceeb uu sheeganaayo ee dadka masaajidada eebe ku soo tukaday lagu dilaayo waxaa dhaanta diinta amxaarada ee kamaaloow garogaalnimana adigaa iiga dhow saa ceeb baa difaaceysaa xaqa allaha ku tusiyo ceeboow
    Ali on 09 July, 2008 08:21:50
    Waxan rajaynay in ay xabashida mesha ka baxda shacabkan ay noqadaan kuwa is jecel inshallah
    ceyr caga dahab on 10 July, 2008 03:27:11
    nayaa deeqoow koleey naag nin ceera ka jajabiyaa tahee af kaan uraayo soo caday intaadan ceer soo marin noocaa kale waa la yaqaanaa ee hadaadan ka dag ceyr
    ale ha laga baqo on 10 July, 2008 08:34:00
    walaal waan idin salaamay walaal waxa ina kala reebay waa qabiil ee ilaahay ka baqa mida kale walaal maanta waxaan lahaa sheekadu waa jihaad ee maanan lahayn waa qabiil wadan keena waxa qabsadayna waa cadawgeena koobaad ee yaan maskaxdiina la galin qabiil ogowna ka amaano amxaaro iyo kan caaya in aanay kala jeclayn eed isku mid u tihiin
    cawraala on 12 July, 2008 10:14:45
    Ina Lilahi Waina Ilahi Rajicun.Ilahayow dal nabaad ah. Wilashasi wixi muslim ah Ilahey hau naxaristo. its realy a very sad story.
    cadeey on 19 July, 2008 10:18:21
    Amxaar iyowaxii wadaba alaha inaga qabto guushana muslimiinta ee waa la doogiye yaan la dacaroon

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    • Email to a friend
    • Print version
    • Plain text
  • Rate this article
    0
    Powered by Vivvo CMS v4.0