Linkz
  • Home | News | Gudoomiyihii Maxkamadda gobolka Hiiraan oo ka warbixiyay wixi ku qasbay in xilkiisii uu iska casilo.

    Gudoomiyihii Maxkamadda gobolka Hiiraan oo ka warbixiyay wixi ku qasbay in xilkiisii uu iska casilo.

    Font size: Enlarge font

    Gudoomiyihii Maxkamadda Gobolka Hiiraan Sheekh Cusmaan Barre Max'ed oo xilkaasi iska casilay ayaa sheegay in mar danbe uusan la shaqeyn doonin xukuumad aan diinta Islaamka wax ku dhaqeyn,wixii horena uu ka towbad keenayo.

    Sheekh Cusmaan oo isagoo Balad Weyne ku sugan la hadlayay warbaahinta ayaa tilmaamay in iscasilaadiisa ay ka danbeysay markii uu garwaaqsaday isla markaana uu arkay howshii uu hayay in ay aheyd mid ka dhan ah diintisa iyo dadkiisa.

    Gudoomiyaha Maxkamadda ee is casilay waxaa uu adkeeyay in wixi haatan ka danbeeya uu kamid noqon doono shacabka reer Hiiraan isla markaana uu isagu ahaa nin la qadariyo uusana dooneyn sharafkiisii in uun lumiyo.

    Sheekh Cusmaan Barre oo aan aheyn masuulkii ugu horeeyay ee maamulka Hiiraan iska casila ayaa xaqiijiyay maamulka dawladda Federaalka wax lala shaqeeyo in aysan laheyn isla markaana dalka ay u gacan galiyeen cadow soo jireen ah.

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (0 posted):

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    • Email to a friend
    • Print version
    • Plain text
  • Rate this article
    3.00
    Powered by Vivvo CMS v4.0