Sections

Archive

Mo Tu We Th Fr Sa Su
12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31



Afhayeenka Ururka Al-Shabaab Sh. Muqtaar Rooboow Abuu Mansuur ayaa Digniin Culus U Diray Ciidamada Dowladda FKMGS Ee Ku Sugan Inta U Dhaxeysa Magaalada Muqdisho Ilaa Deegaanka Dooloow.

Afhayeenka ayaa Sheegay In ay Hada Ka Hor Ay Sii Deyn Jireen Ciidamada Soomaalida ah Balse Waxa Uu Hada Ku Dhaartay In aysan Ururka al-Shabaab ayasan Askari Danbe aysan Sii Deyn Doonin Islamarkaana ay Gowracayaan Askarigii ay Wadada Ku Qabtaan.

Sh. Muqtaar ayaa Ku Eedeeyay Ciidamada Dowladda FKMGS Ee Ku Sugan Wadada U Dhaxeeysa Muqdisho Iyo Dooloow In ay Waardiyaal U Yihiin Ciidamada Ethiopia Islamarkaana ayasan Banaaneyn In la Sii Daayo.

Dhanka kale Abuu Mansuur ayaa Sheegay In ay Isbuuc Gudihii Ku Wajahanyihiin Ciidamada Sidaa Daraaded Wixii Damiir Leh uu Ugu Baaqayo In ay Isaga Tagaan Halkaasi.

Degniinadaan ayaa ah Kuwa Ku soo Beegmaya Xili ay Isa Soo Tarayaan Weerarada Lagu Qaadayo Fadhiisimada ay Ciidamada Dowladda ay Ku Leeyihiin Goboladda Soomaaliya Halkaa Oo ay Kala Kulamaan Qasaarooyin Dhimasho iyo Dhaawacba Leh.

Post your comment Comments (0 posted)

Powered ByBoondheere.com