Sections

Archive

Mo Tu We Th Fr Sa Su
12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31



Goob joogayaal nagala soo xiriiray Suuqa Bakaaraha ayaa inoo xaqiijiyay in Ciidamadii dawlada ay goor dhaweyd isaga baxeen gudaha suuqa weyn ee Bakaaraha halkaasi oo wali dagaal xoogan hareerihiisa uu saaka ka socdo.

Wararka nasoo gaaray ayaa sheegaya in Ciidamadii dawladda ay dib ugu laabteen dhufeysyadoodii Isgoysyada Howlwadaag iyo Aadan Cadde halkaasi oo iminka rasaas cul culus ay kaga soo tuurayaan gudaha Suuqa.

Xoogagii ka saaray Suuqa Bakaaraha ayaa dhankooda lagu arkayaa iyagoo daba socda Ciidamada ka baxay Bakaaraha laakin haatan dagaalku uma xoogana sidii saaka uu ku bilowday.

Lama sheegi karayo hadii ka bixitaanka Ciidamada dawladda ee Bakaaraha uu yahay mid go'aan ah iyo hadii ay kusoo laaban doonaan,laakin waxaa la sheegayaa in mar hadii Itoobiyaanku ka baxeen wadada 30-ka aysan kuwa kale sii joogi kareyn gudaha Bakaaraha.

Post your comment Comments (0 posted)

Powered ByBoondheere.com