


Gabar Soomaaliyeed oo lagu kufsaday USA, lagana duubay Video oo Cabasho soo bandhigtay. (Daawo Video)
In gabar lakufsado ma ahan mid ku cusub soomaalida inkastoo ay tahay qeyb kamid ah waxa ugu xun oo lasameyo balse waxaa ah mid cusub in arintaasi kufsiga ah lagu dhex sameeyo wadan uu sharci ka jiro walibana ah mid ka mid ah wadamada sheega in ilaalinta xuquuqda aadanaha ay ugu horeeyaan.
Gabar soomali ah oo ku nool wadanka mareykanka gaar ah Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ee Soomalidu kubadantahay ayaa waxaa kufsi u geystay wiil soomali ah oo isna halkaasi ku nool sida ay sheegtay gabadhaasi oo lahadlaysay TV-ga FOX 9 News ee dalkaasi laga leeyahay.
Wiilkaan ayaa gabadha waxyaabaha maanka dooriya ugu daray cabitaan kadibna uu kufsaday waliba intaas uguma uusan ekeyne waxaa uu ka duubay muuqal isaga oo gabadha kufsanaaya.
“Markii uu i kufsaday oo uu iga tagay ayaan wacay oon ku dhahay walaaloow sidaas maxaad ii gu gashay markaas ayuu igu dhahay hadaad arintaas ka hadasho sawiradii aan kaaqaday ayaan suuqa soo dhigayaa ayeey u sheegtay TV-ga .
Gabadha iyo wiilkaan ayaa isbartay sadexbilood ka hor waxaana ay sameeyeen xiriir jaceyl balse markii ay ogaatay in xaas iyo caruur uu leeyahay oo ay damacday in xiriirka ay ugoyso ayuu arintaan kusameeyay.
“Maalin ayuu waxaa uu iikeenay wiil saaxiibkiis ah markaas ayuu ku yiri wiilkaan u ogoloow in uu ku isticmaalo hadii kalana sawiradaada ayaan dadka tusayaa” ayeey tiri gabadhaan oo TV-ga laga wareystay balse wajigeeda aan lasooban dhigin.
Wiilkaan ayaa meel ay ka shaqeyso inta ugu yimaado ayuu ka qaadan jiray lacag baad ah isagoo ugu hanjabaya hadii ay booliska lahadsho in uu sawiradeeda qaaqaawan iyo kuwii muuqalka ahaa uu soo bandhigi doono.
Sida codkeeda aad ka maqli doontaan waxaa uu ka qaadan jiray shandoolar markasta isagoo ku hanjabaya in uu sawirada ku dhadhajindoono meesha ay ka shaqeyso.
Gabadhaan oo ah dhowr iyo labaatan jir ayaa hada gurigeeda aan ka soobixi karin shanaqa aadi karin sumcadeeda oo xumaatay owgeed sida ay aaminsantahay waxay sheegtay in inta wacday ay ku tiri walaalow inta intaasoo dhan aad igu sameysay hada maiguursanaysaa? markaas ayuu ugu jawaabay maya waan kunecbahay waadna idilaysaa.
Wiilka sidaan gabdha kusameeyay oo mobilekiisa ay ku jiraan sawirada kumanaan gabdhood oo qaawan oo uu kasooduubay ayaa ah wiil aabihiis caan uu kayahay Yurub ameerika iyo soomaliya .
Hada waxaa socda baaritaano lagu wado arintaasi oo ah mid sharci daro ka ah wadanka Mareykanka meelkadhacna ku ah xuquuqda aadanaha.
Comments (19 posted):
Waa gabar looraxeeyay oo maqsuud in ay katahay loo ogaado jecel weeyan.
Show iyo shaaciro waaye waxeey wato.
waliishana gabdhaha wey idin dhaleen wey idinla dhalatey way idin dhaxdey waxaan waa wax qornaa marka gabadha yaan la niyad dilin , kan ku sameyyena alla ka aarido maalin uun
Markaas buu yiri shaydaan waa aqaanaa oo waa yahay nin hooyadiis dhulka ku jiida, hooyadiisna waa istaahishaa in dhulka lagu jiido.
Man was talking to his friend and said, you know that Satan has drugged his mother on the ground? the other man said did he? said yeah!
I know Satan will do that, and his mother deserves this.
If we take her version of the story, she made herself available and vulnerable to even worse.
People cross their boundry and yet expect to be honorred here and after. The biggest scandal is coming on the big day. Now you have the best chance to repent sincerely to lord(Allah) before is too late.
There are three steps to do this:
1) You must come off the action and decide what you committed was extemely wrong, scandalous.
2)Never,ever do it again.
3) Regret it very severely.
May then allah accept your repent.
Post your comment