


Najma Axmed oo su`aal ku aadan Somalia weydiisay m/weyne Obama (Daawo Video)
Gabar Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Najma Axmed Cabdi ayaa su`aal ku aadan arrinta Soomaaliya weydiisay madaxweynaha Mareykanka Barack Obama kadib markii ay ka qeyb gashay kulan uu madaxweynuhu kula qaatay Aqalka Cad ee Mareykanka dhalinyaro Afrikaan ah.
Najma ayaa qeyb ka aheyd dhalinyaro kor u dhaafeysay 115-ruux oo loo soo xulay in ay kulan la qaataan m/weyne Obama, waxaana ay deegaan ahaan dagan tahay dalka Ingriiska.
Kulankan oo gaba-gabadiisa su`aalo lagu weydiinayay m/weynaha ayaa waxaa su`aashii ugu dambeysay nasiib u yeelatay in ay weydiiso Najma m/eynaha, waxaana ay su? aasheedu u dhigneyd sida tan:
"Galab wanaagsan m/weyne, magaceygu waa Najma Cabdi Axmed, waxaana ka imid dalka Soomaaliya. Ilaa Ingriiska waxaan kala imid hal su`aal, waxayna tahay: Colaad ayaan kusoo noolaaday iyo dal aduunka dhan wareeriyay, waxaana ka mid ahay qurba-joogta naftooda qatarta u galiyay si Soomaaliya looga dhigo meel dhaanta sida maanta ay tahay. Hadaba taageero noocee ah ayaan ka sugi karnaa Mareykanka, marka aan ka hadlayana taageero ula ma jeedo oo kaliya dhaqaale iyo raashiin balse taageero saaxiibtinimo iyo qof dhageysta kuweena u huraya nafteena iyo qaraabadeena si loo difaaco bini`aadamnimada?"
Obama ayaa jawaab dheer ka bixiyay su`aasha Najma, waxaana uu sheegay in shacabka iyo dowladda Mareykankaba ay taageero nooc walba leh la garab taagan tahay Soomaaliya, wuxuuna intaasi raaciyay in Mareykanku doonayo in uu saaxiib la noqdo Soomaaliya dadaalkaasna ay iminka wadaan
Soomaaliya ayuu sheegay in nabad buuxda iyo dimuquradiyad dhaqso looga dhalin karin, balse ay socdaan dadaalo lagu gaarsiinayo arintaasi.
Waxa uu soo hadal qaaday khatarta argagixisada salka dhigatay Soomaaliya iyo weeraradii argagixiso ee lala beegtay caasimadda dalka Uganda ee Kampala.
Geeska Afrika ayuu sheegay in ay khatarta argagixisada Soomaaliya saameysay, wuxuuna sheegay hadaan laga hortagin in ay saameyn doonto dalka Mareykanka.
Comments (14 posted):
wafdigii uyoimid ee dhalinyarada afrika
inuu ula hadlay si yasitaan ah dhamaantood wax kastoo laweeydiiyana wuu usoo kookobay markoo kahad layna xaalada somaaliya waxuu ku yiri najmo umamaleydoono somalya iney nabad kasoo socoto xiligaan iyo xili udhow taasi waxey cadeymneysaaa in aduunku qeeyb saday somaliya marhoro oo lakala saxiixday sida dhul oobasiibo ah oo lakala cabirtay nin walbala calaamad uyeeshay waa calaameeysanahay soomaaliyeey calankeenana caalanka lagasar ee aan isceeymino
Post your comment