Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
Somali Radio

  • Islam Linkz
  • Somali Linkz
  • Home | News | Dowladda KMG oo riyo ku tilmaamtay in Shabaab qabsadaan Madaxtooyada..

    Dowladda KMG oo riyo ku tilmaamtay in Shabaab qabsadaan Madaxtooyada..

    Font size: Enlarge font

    Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa ayaa wax lagu qoslo ku tilmaamtay hadal ka soo yeeray Xarakada Alshabaab, kaasi oo ahaa in maalmaha soo socda ay la wareegayaan Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

    Afhayeenka Wasaarada Warfaafinta C/risaaq Qeylow ayaa riyo ku tilmaamay warka Alshabaab ka soo yeeray, isagoo xusay in ay qorsheynayaan sidii ay dalka oo dhan uga saari lahaayeen.

    "Warka ay nimankaas sheegayaan waa riyo maalin cad, iska daa in ay Madaxtooyada qabsadaan, waxaan rajeynaynaa inaan anaga dalka oo dhan ka saarno"ayuu yiri Qeylow.

    Qeylow ayaa kula taliyay Shabaab in ay shacabka ka soo dhex baxaan, oo ay banaanka is keenaan, isagoo taas qiil uga dhigayay goobaha ay Shabaab maalmo ka hor Dowladda kala wareegeen.

    Shalay ayay aheyd markii Shabaab ay soo bandhigeen goobo muhiim oo ay ka qabsadeen Ciidamada Dowladda, gaar ahaan Xaruntii Nabad Sugida ee Guriga Habar Khadiijo

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (0 posted):

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    Tags
    No tags for this article
    Rate this article
    0
    Powered by Vivvo CMS v4.0