

Shabaab oo ku hanjabay in maalmaha soo socda ay qabsan doonaan Xarunta Madaxtooyada...
Xarakada Alshabaab ayaa maanta ku dhawaaqay in maalmaha soo socda ay qabsan doonaan Xarunta Madaxtooyada, kadib markii maalmo ka hor ay la wareegeen Xaafado u dhow dhow oo ay ka qabsadeen Ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya.
Wakiilka Alshabaab ee Gobolka Banaadir Cali Maxaa Xuseen ayaa sheegay in tallaabada xigta ee ay qaadi doonaan ay tahay in ay qabsadaan Madaxtooyada, iyagoo weeraro saf ballaaran ay ku qaadi doonaan.
"Sidaad aragtaan meeshaan aan joogno Mujaahidiinta horay uma joogin, waxayna sameeyeen in ugu yaraan Nus KM, ay ku soo siqaan, kuwii joogayna waa ka saarnay"ayuu yiri Cali Maxaa Xuseen oo shir jaraa'id ku qabtay Gurigii Habar Khadiijo ee Nabadsugida.
Cali Maxaa Xuseen ayaa sheegay in ay macluumaad ku heleen in ay kala tageen Ciidamada Dowladda KMG, isla markaana haatan aanay wax u dhaxeyn iyaga iyo AMISOM sida uu hadalka u dhigay.
"Waxaan xog ku heleynaa in Ciidamadii Dowladda ee gaashaanka u ahaa gaalada AMISOM waa kala tageen, hada kadib waxba nooma dhaxeeyo anaga iyo AMISOM"ayuu sii raaciyay, waxaana uau tibaaxay in dagaalka cusub ee Muqdisho uu yahay mid iyaga iyo AMISOM u dhaxeyn doona hada kadib.
Hadalka ka soo yeeray Shabaab ayaa imaanaya xilli Shabaab maalmo ka hor la wareegeen goobo muhiim ah oo ay joogeen Ciidamada Dowladda KMG, kuwaasoo ahaa goobo istiraatiiji ah.
Comments (6 posted):
xalka waxa uu yahay wadahadal,Xoog nina nin wax uga qaadimaayo, waqtiga unbaa dheeraanaayo.
Post your comment