

Maxaa la gudboon Maxaakiimta Garabkii Muqaawamada ee ay hogaaminayeen Madaxwynaha Soomaliya sheekh Shariif sheekh Axmed ,Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Sh Cabdi Raxmaan Jiniqow
Xildhibaanka waxa u warbixintiisa ku bilaabay sidatan: Anigu waxaan ka mid ahay Xildhibaanada Dowlada ka soo galay garabka Muqaawamada waxaana ka tirsanaa Ergadii lagu marti qaaday Shirkii Asmara ee 2007 daba yaaqadeedii Waxaana ka mid ahaa Golihii Shuurada ee Maxaakiimta Islaamka (Dagaalkii Ethopiya Waan ka qayb galay oo xitaa waan ku dhaawacmay)
Waxaan joogaa caasimada Soomaliya ee Muqdisho waxaan Emailkan u soo diray Warbaahinta Onkod oo ka mid Warbaahinada aan aadka u khristo, waxaan cadeenayaa in xaalka soomaliya uu marayo meel aan fiicneen , waxaan arkaa Garabkii Muqaawamada ee uu hogaamin jiray Wasiirka Arimaha Gudaha Sh cabdi Qaadir Cali Cumar oo hada ka tirsan Dowlada KMG Ee Soomaliya in ay ku sii dhacayso God aad u balaaran
Maqaalkan waxaa igu dhaliyay ciilka i hayo iyo sida ay wax u socdaan waxaan aad uuga xumahay in Shariif xasan uu khiyaano Saaxiibkiis oo xitaa qaar ka mid ah Muqaawamada ay ku kala tageen
Waxaa Socda Kulamo uu maalmahan u wada socday Wasiirka Maaliyada Shariif xasan iyo qaar ka mid ah Xildhibaanada Dowlada KMG waxaa laga wada hadlayaa qaabkii loo khaarijin lahaa Madaxwyanaha Soomaliya iyo Wasiirada ka soo galay muqaawamada waxaan u la jeedaa Sh Cabdi Qaadir Cali , Sh Jiniqow, Sh Daahir maxamuud Geelle iyo Amiirkii Maxaakiimta Sh Shariif
Maxaa ka socda Caasimada Soomaliya
Cumar cabdi Rashiid , Shariif xasan sh Aadan , Maxamed Qanyare Afrax, Muuse Suudi Yalaxow , Axmed Cabdi salaam iyo Wasiiro ka tirsan Dowlada KMG ayaa waxa ay wadaan olole lagu soo saari lahaa Shariif xasan si uu u noqdo Gudoomiyaha baarlamanka KMG ee Soomaliya iyadoo isla bilo ka dib cod loo qaadi doono Dowlada Sheekh shariif Sh Axmed
Xidhibaan Sh Axmed Cabdullahii Xuseen Fanax ayaa waxaa uu wadaa maalmahan kulamo aad u badan balse waxaan aad uuga xumahay in Shariif xasan uu bilaabay in uu gooni ula kulmo Xildhibaanada Dowlada KMG ee Soomaliya isagoo u balan qaaday xildhibaan walba $5000
Waxaa kula talin lahaa Wasiirada iyo madaxwynaha in ay kulmaan oo ay ka tashtaan waxa ay ka yeeli lahayeen Dowlada KMG ama ay xooga saaraan maalmaha soo socda sidii ay uugu gor gortomi la hayeen Awoodooda
Waxaan wadnaa dadaal aad u balaaran Inshaalahu waxaan is ku dayeenaa in codka uu ahaado qarsoodi oo waxa uu wadaa shariif xasan in codka laga dhigo qarsoodi ka dibna uu ku subto
Comments (2 posted):
Post your comment