Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
Somali Radio

  • Islam Linkz
  • Somali Linkz
  • Home | News | Hogaamiye kooxeed Soomaali ah oo heshiis la galay shirkad ay leeyihiin Calooshooda u Shaqaystayaal Jarmal ah

    Hogaamiye kooxeed Soomaali ah oo heshiis la galay shirkad ay leeyihiin Calooshooda u Shaqaystayaal Jarmal ah

    Font size: Enlarge font

    Germany (Radio Daljir) – Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka dalka Jarmalka ayaa walaac wayn ka muujiyay heshiis la sheegey in sharikad dhinaca milatariga qaabilsan oo Jarmal ah, ayna leeyihiin calooshooda u shaqaystayaal u dhashay Jarmalka, ay la gashay nin hore u sheegtay in uu madaxweyne ka yahay Soomaaliya oo la yidhaahdo C/nuur Darmaan.

    Nuxurka heshiiska ayaa lagu sheegay in uu yahay sugid amni, tababar iyo qalabayn ciidan, kala talin dhinacyada amniga iyo khidadaha dagaalka.

    Sharikaddan Jarmalka ah oo magaceeda la yidhaahdo Asgaard German Security Group ayaa heshiis la gashay C/nuur Darmaan oo si wayn u diiddan dawladda federaalka ah ee Soomaaliya, balse aan dhaqdhaqaaq muuqda iyo taageeraba ku haysan gudaha dalka Soomaaliya.

    Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Jarmalkuna waxa ay sheegeen in heshiiska dhex maray Darmaan iyo sharikaddasi dhinaca milatariga ah ee Soomaaliya ay sii laba-lixaadin karto dagaalka ka socda Soomaaliya, isla markaana ay ka soo horjeeddo cunaqabataynta Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa ee dhinaca hubka.

    Cabdinuur Darmaan ayaa sannadkii 2003-dii waxa uu sheegtay in uu madaxweyne yahay, balse 5 sanadood dalkaba kuma aanuu noolayn, isku magacaabiddiisa madaxweynenimmo ee xilligaas ayaa ay Soomaali badan ku macneeyeen in ay ka ahayd caanimmo raadin.

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (4 posted):

    Mahamoud (UK) on 24 May, 2010 04:37:24
    Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in shirkadan oo ah cristian aid oo doonaysa in ay kaniisado ama meelaha lagu caabudo diinta gaalada ka fuliso gobolada dhexe . sida aan hordhaca ku helnay ayaa sheegaya in magaalooyinka dhuusa mareeb iyo guraceel laga dhisi doono ilamaa 18 kaniisadood taas oo dhaqaalo ahaan iyo abaabul uu ugu jiro ina darmaan . waxaase laga yaabaa in uu ka horyimaado wadaad diimeedka sheeq xasan daahir uweys hadiise uu isaga aamuso waxa buu ka ogyahay heshiiska oo aan lasoo bandhigin sababaha iyo danta ay kaleedahay dowladda jarmalka. shalay xispul islaam - maanta ahlusunah - berina reer dhuusa mareeb ayaa laga rabaa jawaabta iyo beesha cayr
    Home boy on 24 May, 2010 04:56:31
    Dhib malahan soomaali awalba taariiq kuma lahaynina . taariiqda dunida waa wax isdaba yaal adeerkaa xasan daahirna urur muslim ayuu keenay adigana ururu gaalo marhadii uu isga socon waayay oo bashtuun gar waaweyn uu keenay adigana bal wixii aad la timaado iyo halka aad gasyo la arki doonee ma - guraceel kaliya ayay joogi doonaan mise meelo kale ?????????????
    abdoow on 24 May, 2010 05:06:45
    abdinuur darmaan waligaa xag xago walee waa geesi No more wahaabi & doofaar wadaad ah oo sheegta oo saqiirta 9 jirka ah wasayo
    Ceyroow (UK) on 24 May, 2010 05:48:07
    Dowladda cusub ee ina Darmaan -

    Yurub wasiirada ka socda

    1- Hal Wasiir oo Jarmal ah
    2- Hal Wasiir Talyaani ah
    3- Hal Wasiir oo Ingiriis ah
    4- Hal wasiir oo Mareykan ah

    ASIA Wasiirada ka socda

    1- Hal Wasiir oo china ah
    2- Hal Wasiir oo Malasiya ah
    3- Hal Wasiir oo Singapore ah
    4- Hal Wasiir oo ah Indonisiya

    Midle East Wasiirada ka socda

    1- Hal Wasiir oo Sacuudi ah
    2- Hal Wasiir oo Masaari ah
    3- Hal Wasiir oo Yuhuud ah
    4- Hal Wasiir oo Turki ah

    Dhinaca Soomaalida

    1- Hal wasiir Hawiye ah
    2- Hal Wasiir oo Daarood ah
    3- Hal Wasiir oo Isaaq ah
    4- hal wasiir oo Raxan weyn ah

    Gudoomiye Baarlamaan
    Nin Kasocda Ruush


    dalka shaki la'aan nabad deg deg ah iyo inuu dhaqso u noqdo wadamada aduunka ugu shidan soomaalida dhexdeedana uga dhamaato xaasidnimada iyo LOOMA IYO LOOMA DHAMA

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    Tags
    No tags for this article
    Rate this article
    0
    Powered by Vivvo CMS v4.0