Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
Somali Radio

  • Islam Linkz
  • Somali Linkz
  • Home | News | Magaalada B/weyne oo weli Buundo la'aan ah iyo Doomo laga Isticmaalayo magaalada.

    Magaalada B/weyne oo weli Buundo la'aan ah iyo Doomo laga Isticmaalayo magaalada.

    Font size: Enlarge font

    Shacabka magaalada B/weyne ayaa walaac balaaran ka muujinaya Burburka soo gaaray Buundada weyn ee magaalada B/weyne ee Liiq Liiqato loo yaqaan.

    Wararka nagasoo gaaraya magaalada B/weyne ayaa xaqiijinaya in shacabka dega Bariga iyo Galbeedka magaalada ay bilaabeen in ay isaga kala gooshaan Doomo gacan ku samays ah.

    Shacabka magaalada oo kala go'doon ah ayaa adeegsanaya doonyo lacago jaban lagu bixinayo oo ay labada dhinac ee magaalada ay isaga kala gudbayaan.

    Doonyo Xarko lagula xiray geedaha ka baxa hareeraha Webiga Shabelle ayay shacabku gaadiid ahaan u isticmaalayaan waxaana dhici karta in dadka qaar badda ku daataan marka ay ay doonyuhu Xarkaha goostaan.

    dhawaan ayay Buundo Liiq Liiqato Burburtay kadib markii ay uu ku qalibmay Gaari Xamuul ah oo Bariga magaalada Badeecado Xamuul ah u waday.

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (0 posted):

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    Tags
    No tags for this article
    Rate this article
    0
    Powered by Vivvo CMS v4.0