Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
Somali Radio

  • Islam Linkz
  • Somali Linkz
  • Home | News | Howlgal burcad sifeyn ah oo laga bilaabay Wanlaweyn ilaa Buurhakaba

    Howlgal burcad sifeyn ah oo laga bilaabay Wanlaweyn ilaa Buurhakaba

    Font size: Enlarge font

    Howlgal ka dhan ah burcada ayaa saaka laga bilaabay dhabaha isku xira degmooyinka Wanlaweyn iyo Buurhakaba ee gobolada Sh/Hoose iyo Bay.

    Ciidamada maamulka Xisbul Islaam ee gobolka Sh/Hoose ayaa howlgalkan saaka ka bilaabay halkaasi, waxaana la sheegay durbadiiba in ay gacanta ku dhigeen dhowr qof oo laga shakisan yahay.

    Howlgalkan ayaa yimid si wax looga qabto kooxaha burcadda ee dadka wadada u gala kuwaasoo mudooyinkii u dambeeyay la sheegay inay ku soo xoogeysanayeen wadada isku xirta degmada Buurhakaba iyo Wanlaweyn.

    Gaadiidka ka shaqeeya wadadaasi ayaa saaka howshooda waxaa ay u wataan si caadi ah ka dib markii beryihii u dambeeyay caqabad ay kala kulmayeen kooxaha burcadda ah.

    Waxgaradka iyo qeybaha kale ee bulshada ayaa si diiran u soo dhoweeyay talaabadan wax looga qabanayo dhibaatooyinka soo noqnoqday ee mudooyinkii u dambeeyay dariska la noqday wadada isku xirta Sh/Hoose iyo Bay, taasoo sidoo kale muhiim u ah deegaano kale oo badan.

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (0 posted):

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    Tags
    No tags for this article
    Rate this article
    0
    Powered by Vivvo CMS v4.0