Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
Somali Radio

  • Islam Linkz
  • Somali Linkz
  • Home | News | Faroole oo lagu bahdiley shirkii Istanbul (Warbixin xasaasi ah)

    Faroole oo lagu bahdiley shirkii Istanbul (Warbixin xasaasi ah)

    Font size: Enlarge font

    Istanbul, Turkey (SF) – Waxaa waayahan socdey shir looga hadlayay arimo fara-badan, shirkan oo ka socdey magaalda Istabul ee dalka Turkey ayaa waxa daah-furey Rajab Deyib Erdugan oo isagu ah Raisal-wasaaraha Turkiga

    Shirkan ayaa lagu casumey madax ka-kala socotey Europe Africa Asia America iyo Austerlia, waxaa sidoo kale shirkan lagu casumey haydaha caalamiga ee ( Intergovernmental institution iyo Non-governmental Institution NGOS ) waxaa sidoo kale lagu casumey shirkado waa weyn iyo Tujaar caan ka ah dunida, hadaba shirkan waxa lagu casumey maamul gobaleedka Puntland iyadoo shirkan loo qoondeeyay 5,boos amase kursi waxana shirkaas laga sugayay wasiirka Arimaha Gudaha mudane Cabulaahi ilkajiir iyo Khaliif Ciise Mudan. waxaase mar qura laga war-helay in madaxweyne Faroole shirkaas iman doono iyadoo ey ka yaabisey maadama dadkii la rabey iney-shirkan ka qeyb galaan sida Ilkajiir laga masaxey liiskii oo lagu badaley wiil uu dhaley Faroole oo magciisa lagu sheegey Maxamed Faroole.

    Hadaba dowlada Turkiga ayaa ka carootey arintan waxana ey si-toos ah uu-la xiriirtey maamulka Puntland gaar-ahaan madaxweyne Faroole isagoo ku sugan magaalada Dubai, wada-hadal dheer kadib dowlada Turkiga iyadoo aan qanacsaneyn ayay Madaxweyne Faroole u ogalaatey inuu ka qeyb-galo shirka balse uusan ku lahaan doonin muxaadaro amase ( Lecture ) waxaa sidoo kale loo sheegey inuu fariisan doono kuraasta dambe isagoo ka caroodey arinkaa General Ilkajiir ayaan ka qeyb-galin shirkaas balse waxaa soo baxaya in General Ilkajiir arintan ay saameysay waxana dhici karta inuu is-casilo. ceebta labaad ee ku dhacdey Faroole waxa ey aheyd markuu damcey inuu si khaas ah ( Private ) uu-la hadlo Raisal-Wasaare Rajab Deyib Erdugan ayaa loo sheegay inuusan arki doonin maadama uusan aheyn nin madaxweyne ama Raisal-wasaare isla markaana aan ku iman dalka Turkiga booqsho dowladeed.

    Fadeexadii u dambeysay waxa ey dhacdey saakey kadib markii qoyska Faroole damceen iney qado u sameeyaan qeyb kamid ah madaxdii ka qeyb gashey shirka sida Ban-Kii Moon iyo xubno ey kamid ahaayeen Faarax Maclin Prof Juurile iyo rag kale dhamaan waxa ey baxsheen cudur-daar hadaba wiilka Faroole Maxamed Cabdirxmaan ayaa ku qeybshey madasha shirka ( Personal-Cards) taasoo ey ka yaabisey dadkii waxana uu jabshey Protocol shirka iyadoo ey ilaalada shirka ey isku dayeen iney dibada u saaraan wiilka Faroole balse markii dambe ey maslaxeen Soomaalidii shirka timi guddiga qaban-qaabada fadeexadan ayaa imaaneysa xili Faroole iyo qoyskiisu ey Photoshop ka dhigteen shirarka caalamiga.

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (5 posted):

    cali daljir on 24 May, 2010 02:16:27
    waa yaab reer faroole ma caagaan weeye.ceeb beey noo soo hoyeen.
    Cabdiraxmaan Garoowe on 25 May, 2010 05:20:10
    WARYAA REER BOONDHEER. Isku xishooda nimanyahay, oo beenta iyo borobagaandada ka dhaafa XAAFIDULLAHI MADAXWEYNE CABDIRAXMAAN FAROOL

    Boondheere, mar haddii Muqdisho burburtay, waxay in aad ka shaqeysaan nabad iyo isu keenista ummada
    Dr. Faroole, waa lagu martiqaaday shirka, isagoo Garoowe jooga ayaa taleefan loo soo diray. Wuu ka khudbyeey halkaas, waana la qaatay taladii uu soo jeediyey
    MARKA XAASINIMADA IY QABIILKA ISKA DHAAFA
    waa caano on 25 May, 2010 02:08:07
    waa laga yaaba faroole in uu ceeboobay waa dadkale iyo qoomiyad kale oo la siman ma matalikaro sida uu udanaysanayo ayuu qof walba udanaysanaya marka maanta waxay taagan tahay meeshii barigii ale ha naxariistee marxuun maxamed siyad bare uu marayay majeerteen oo ahayd nin qopyan biyo iskama dhawro
    samatar on 25 May, 2010 05:08:56
    waa samatar oo jooga denmark, waa markii iigu horaysay oo aan booqdo boondheere, waxaa la yaableh sido daacayada ama been abuurka oo ka faafinayo madaxwayne faroole iyo sida uu u amaanayo madaxwayne shariif,
    miyaadan ogayn in faroole uu la shaqaynayo shariifka, oo uu garab taagan yahay mar kastana leeyahay puntland waa dowlada federaalka, iyadoo la ogyahay in dowlada shariifku ka taliso laba xafadood, hada laga sii qabsaday xafad kale, intaas oo faroole aduunka u sheegayo dawlada federaalka waxay xukuntaa dhul badan ilaa somaliya kala bar,
    marka xaqiiqada u laabo saxiib iskana daa dacayada aanan lagaa aqrisanayn
    by
    hiranlander on 28 May, 2010 06:58:38
    waryaa reer bondheere faroole waa nin rag ah ee maxad ka rabtaan oo burobugandad uga samanaeysaan waa madaxweyne somaliyeed shariifna waa lashaqeynayaa xaasidkuna ma liibaano ninka ragaa cadkiisa loma diido ninku maxuu nii dhimay oo ka eed sheganaysaan waa la idin ka siinayaa walalayaal lakin ma fcn qof walalkaa ah inaad been abuurto ogaado wiilku waa wiil majeerteena oo laandheere ah waan idin ogahay waligiin majeerteen baad mucaarad kutihiin adeer go east or west faroole is the best kaad faaninaysid oo shariifka shaydaan layiraahdi oo garka dhuusadaa leh adeer bushinta hadawaysto faroole wax ugamabaahnee kkkkkkkkkkk boondheere maxay yihiin ? waa tuugo qabiil isku biirsatay oo website furatay dadka lagu caayo

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    Tags
    No tags for this article
    Rate this article
    0
    Powered by Vivvo CMS v4.0