

Guddoomiyaha Ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir oo ugu baaqay dadka daggan Jaamacaddii Lafoole inay halkaas isaga guuraan
Guddoomiyaha Ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys oo hadal ugu jeediyay boqolaal dadweyne ah gudaha Jaamacadda Lafoole ayaa ugu baaqay dadka ka sameystay guryaha inay isaga guuraan.
Sheekh Xasan Daahir ayaa sheegay inay jiraan dad iibsada dhulka Jaamacaddu ay leedahay, wuxuuna ugu baaqay dadka guryaha ka dhistay inay uga guuraan muddo hal todobaad gudihiis ah.
"Dadka guryaha sharcidarrada ah ka dhistay gudaha Jaamacadda Lafoole waxaan ugu baaqayaa inay uga guraan muddo hal todobaad ah, ciddii fulin wayda amarkaas tallaabo sharciga waafaqsan ayaa laga qaadi doonaa" ayuu yiri Sheekh Xasan.
Hoggaamiyuhu wuxuu sheegay in dadka iibsanaya dhulka Jaamacadda ay la kulmi doonaan haddii ay diidaan inay joojiyaan iibkana ay tallaabo ka qaadi doonaan, isagoo aan sheegin sababta xilligan ay ugu soo beegeen inay amarkan bixiyaan.
"Waxaa la dhistay jidadka Jaamacadda, meelaha biyo mareenka ah iyo weliba Qabriyo, dhammaan dhismayaashaas waa kuwo sharciga aan waafaqsanayn, waana lala xisaabtamayaa qofkii ku adkeysta inuu sii daganaado" ayuu yiri Sheekh Xasan.
Jaamacadda Lafoole oo 24-km dhanka galbeed kaga beegan Muqdisho ayaa waxay deegaan u ahayd boqolaal qof oo Soomaali ah, kuwaasoo ka cararay dagaallada ka socda Magaalada Muqdisho ee u dexeeya Dowladda iyo Islaamiyiinta hubeysan.
Comments (11 posted):
mawaxaan ka soobilbnaa sagaashameeyadii baqti hugri badan?
ma waxaan ka soo bilaawnaa sagaashameeyadi baqti huguri badan?
Habargidirta naladagan walaahi waa gabdho hoos ayey noo fiiriyaan, waxa ay ka adagyihiin qabiilaadka masaakiinta sida {ABGAALKA, REERXAMARKA,JAREERTA,EELAYDA iyo dadka masaakiinta ayey ka adagyihiin taasi weeye waxay dowlad ugadhimi la,dahay.
BUDLAND MA IMAANKARAAN SHIIQ XASAN DAAHIR IYO QABIILKIISA WAA HABARGIDIREE.
ha hawiye waxaanu kamid nahay kuwa kaliita xaga waxbarasho waxaanu ugu badanahay cuuryaamiinta bulsha liidata ayaan nahaye go'aan adag waa in aanu qaadanaa c/qaasim iyo axmed c/salaan maanta bulshada dhibka ku jirta waad u jeedaane odaygan waalan lahadla oo badbaadiya danaha beesha . maamul aanu kaga dhawaaqno ma soconayox/islaamwaana magac ama astaan aanu qaadi karin waqti dhow iyo waqti dheer
Post your comment