

Hay'adda UNCHR oo uga digtay Sucuudi Carabiya iyo Dalal kale oo calaamka inay xoog kaga musaafuriyaan dalalkooda Soomaalida ku nool
Hay'adda Qarammada Midoobay u qaabilsan Qoxootiga ee UNHCR ayaa hadal ay soo saartay uga digtay dalalka Caalamka inay tarxiilaan dadka Soomaaliyeed ee dalalkooda ku nool.
Saraakiisha UNHCR waxay sheegeen inay walwal ka qabaan nolosha Soomaalida laga tarxiilo dalka Sucuudiga, iyagoo sheegay in dib loogu celiyo xalaad khatar ah ayna noloshoodu ku noqoto dhibaatadii ay horay uga carareen.
"Waa in la joojiyaa qafaalka xoogga ah ee Soomaalida loogu celinayo dalkooda inta ay xalaaddu iska badalayso, waayo ma ahan dalka lagu celinayo dadkaas mid amaan ah oo ay nabad ku heli karaan" ayaa lagu yiri warbixinta ay UNHCR soo saartay shalay oo Jimco ahayd.
Hay'addu waxay ugu baaqday dalalka caalamka oo inay xurmeeyaan xeerarka caalamiga ah ee qoxootiga, isla markaana aysan ku kicin falal sababaya in dadka si khasab ah loogu celiyo meel aysan nabadi ka jirin.
Afhayeennada UNCHR Mellise Fleming oo ku sugan Magaalada Geneva ayaa xustay in Gobollada dhexe iyo kuwa koonfureed ee Soomaaliya ay yihiin goobo khatar ah oo aan dib loogu celin karin dadka.
"Dalka Saudi Arabia oo ah dalka ugu tarxiilka badan ayaa waxaan ogaannay in 100-qof laga tarxiilay bishan May oo keliya, laguna celiyay Muqdisho oo ay dagaallo ka jiraan" ayay tiri Fleming oo saxaafadda ugu sheegtay Geneva.
Sidoo kale Afhayeennadu waxay sheegtay in dalka Saudi Arabia sannadkii hore oo keliya laga tarxiilay 4-kun qof oo Soomaali ah, kuwaasoo dib loogu celiyay gudaha dalka Soomaaliya, gaar ahaan Gobollada ay dagaalladu ka jiraan.
Dalka Sucuudiga ayaa waxaa ku nool Soomaali badan, iyadoo qaab tarxiil ah loogu celiyo dalka Soomaaliya, waxaana dad badan oo doonayay inay dalkaas tagaan ay ku dhinteen sannadihii ugu dambeeyay xeebaha dalka Yemen oo marin u ah.
Comments (1 posted):
Post your comment