Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
Somali Radio

  • Islam Linkz
  • Somali Linkz
  • Home | News | WAR DEG DEG AH: Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo Goordhaw Dagaallo kula wareegay Maanabooliyon,Nasiib buundo iyo deegaano kale oo ay ciidanka Dowlada KMG ah joogeen

    WAR DEG DEG AH: Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo Goordhaw Dagaallo kula wareegay Maanabooliyon,Nasiib buundo iyo deegaano kale oo ay ciidanka Dowlada KMG ah joogeen

    Font size: Enlarge font

    Dagaalo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda iyo Xarakada Alshabaab ayaa saaka ka soconaya degmada Shibis ee Magaalada, iyadoo dagaaladaas ay sababeen dhimasho iyo dhaawac.

    Sida ay sheegayaan wararka dagaaladan ayaa qarxay abaarihii 5-tii subaxnimo, xilligaasoo Shabaab weeraro kula soo hiireysteen fariisimaha Ciidamada Dowladda ay kaga sugnaayeen halkaas.

    Wararka qaar ayaa sheegaya in Shabaab ay la wareegeen dhufeysyo ay degmadaas kaga jireen Ciidamada Dowladda, markii ay isaga soo baxeen Ciidamada.

    Dadkii ku dhaqnaa Degmooyinka Boondheere iyo qeybo ka mid ah Shibis ayaa saaka bilaabay barakac xoogan, waxaana dadka ka cabsi qabaan in saameyn ay ku yeelato dagaalada oo mararka qaar bar bar socdaan duqeymo culus.

    Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Shabaab ay soo gaareen goobo horay u joogeen Ciidamada Dowladda, sida agagaarka Isgoyska Maanabooliyo.

    Ilaa afar ruux oo rayid ah ayaa la xaqiijiyay in dhaawac soo gaareen, kadib markii ay haleeshay rasaasta wiiftada oo ku dhacday xilli ay ka cararayeen xaafadahooda oo dagaalada ku soo dhowaadeen.

    Wixii ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (7 posted):

    Darbaweeyne on 20 May, 2010 09:49:20
    War Boondheereey war naga daaya beenta aad noo soo qoreeysaan. shabaab waa kuwa al-dadqalato meel eey qabsatey ma jirtee kkiiiikiiii naga daaya. kiikii noo sheega in aad iyaga ka cabsaneeysaan
    ama eey gabdhihiin ama xaasaskiina idiinla qabaan marka naga daaya beenta. anigaa hadda meesha ku sugan oo meedadkoodu dhulka tubanayihiin. Marka beenta naga daaya.cabsi Illaah uun baa kuugu leh ee beenta kaa mamnuucey.. ee naga daaya beenta.
    dulmidiid on 20 May, 2010 11:47:21
    war ninkani isku magacaabay darbaweeyne war nin aqayaarna waad u qoraal eg tahat maxaa kuwaali oo raga aad u aflagaadeyneey xaasas kooda war oradoo dameeradada iska wado marka horeba waxaad ahaayt nin ku aqli ah xoolaha barakada ilaaheey ha kaa qaadee wabilaahi toowfiiq
    ali on 21 May, 2010 02:08:13
    ninkan boondheere website furtay waxow jogaa butland maxaas ka kasaa boondheere magaca noo dhaaf
    Shugri on 21 May, 2010 11:12:10
    Dulmidiidow dulmi doona aragnay war dulididow dulmidoon ha iskunoqon.
    Nabadeey
    baaba tiirka on 21 May, 2010 12:45:05
    aqyarta waxaa nii shegaa boondhere in magaca laga bedaly waxaa loo bixii
    buur burhakaba
    sil gor on 23 May, 2010 01:01:45
    tafaraaruqaan ayaa wadanka naga soo wade ilah ka yaaba oo u soo laabta walal yaa wax dhin manaayo waxaa la dhahaa waa soomaali waaye aaduunka sidaas ayaa looga kasaaa
    allhu akabr on 23 May, 2010 12:47:08
    alllhu akbar allhu akbar allhu akbar walalyaa wa guul uso hoyatay walalaha musliminta xarakatu al mujahidiin al shabab illhey subxan watacala ayaa guusha u sahalay mujahidinta al shabab marka dadka iska hadlayo oo murtidina warkoda ku hadlayan insha allha mar dhaw ayaan so af jareeyna mel kasto ey aduunka ka jogan nabigeyna maxamed waxu dhahay falyaqul qeyr ow lismut marka walalyal illha ha laga baqo amisom wa salibiyiin marka wa in lala jihadda iyo kowa galada no keenay oo murtidiinta ah allhu akbar allhu akbar allhu akbar :::abuu muqtaar al ayuubiy

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    Tags
    No tags for this article
    Rate this article
    0
    Powered by Vivvo CMS v4.0