

Afhayeenka Alshabaab Oo Sheegay In Kenya Burburi doonto Hadii aysan faraha kala bixin Arrimaha Somaliya
Afhayeenka Alshabaab Sheekh Cali dheere ayaa isaga oo la hadlaya Ciidamo Tababar logu soo Xiray Magaalada Kismaayo Hanjabad culus u jeediyey Dowladda Kenya
Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in dowladda Kenya ay ka tirsantahay dowladdaha ugu tabarta yar Geeska Afrika iyagana ay ka Adkaadeen Ciidamo ka xoog badan kuwa dowladda Kenya oo uu carabkana ku dhuftay Ciidamada Ethiopia oo uu sheegay in ay xoog kaga saareen dalka Somaliya
Afhayeenka ayaa ugu baaqay dowladda Kenya in ay faraha kala baxdo arrimaha wadanka Somaliya hadii kalana ay burburin doonaan guri Miraayad ah oo ay ku jirto dowladda Kenya sida uu hadalka u dhigay
Afhayeenku Alshabaab ayaa ugu baaqay Ciidamadii u Tababarka u soo xirayey inay Kuwa Kenya lagu soo Tababarayo halkooda ugu tagan oo aay ku soo Burburshan sidaa u hadalka u dhigay
Ma’aha markii ugu horreysay ee Alshabaab u Hanjabto Kenya ee tiro ka dhowr jeer ayey sidaan oo kale Hanajabado ugu direen Dowladda Kenya
Comments (6 posted):
xisaab la-aanta hadalka :
yaa ku yiri adiga keyna u nax.
hadalkaagu iyo ficilkaaga ismalaha tagfiirow waayo muslinka waxaad u diidantahay inay nastaan gaalidana waa u wacdihii .
diintaas yaa u sheegaa baqti tubaako cun badan?
Qof meel loo wato oo habaabsan ayaa sidaas u hadla.sidaas ku sii soco inta aad jannada aad ka geshid
shabaab iyo carabta miyaad mooday inuu filin- kooda sii socanaayo oo waa gaartayba inaad afkaaga furto?
Post your comment