

Mooshin ka Dhan Ah Faroole Oo Baarlamaanka Loo Gudbiyey
In ka badan 29 Mudane oo ka tirsan Golaha Baarlamaanka Puntland ayaa u gudbiyey Mooshin ka dhan ah Madaxweyne Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Gudoonka Baarlamaanka, Mooshinkan ayaa Mudanayaasha Gudbiyey ku Andaacoon In loo bahan yahay in Madaxweynaha la soo gole Joojiyo
Xildhibaanada ayaa ku Eedeyn Madaxweyne Faroole Inu ku Fashilmay Hoggaaminta Puntland, Isla markana waxba ka qaban wayey wax badan oo dhibaatoyiin ah kuwasi oo ka jira Degaanada Puntland, Waxayna Codsadeen Mudanayaashu In Codka Kalsoonida loo qaado Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole
Xildhibaan Cabdiraxmaan Axmed Xaaji oo ka mid ah Xildhibaanada gudbiyey Mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha ayaa Sheegay inay U Gudbiyeen Qoraalkan kadib markii aay Arkeen inu Faroole ku Fashilmay Hoggaanka Puntland ”Beesha aan anigu ka dhashay maanta faraha Puntland waa ka sii bixi rabta waxana ugu wacan Faroole Waayo Waxa u Ku Fashilmay Xalinta Iyo Dhex dhexaadinta Beelaha Iyo weliba Horumarinta Dhulka Puntland, Waa nin Jeebkiisa oo kaliya Wuxuu ku Shubto Yaqano”
Xildhibaan Cabdiwali Muuse Shire oo isaguna ka mid Ah Xildhibaanada Mooshinka wota ayaa yiri ”Waxa nagu kalifay inaan Mooshin u gudbin Gudoomiyaha Waa Iyada oo Aan aragno in Hoggaan La’aan ka jirto Puntland, Ninkii aan Talada u dhiibanana waxan u jeedna inuusanba laheyn kartidii Iyo Awoodii Maamul ee dalkan lagu Hoggaamin laha”
Haddaba Mooshinkan ka dhanka Ah Faroole ayaa lagu woda In Maalinimada Axada ah la soo hordhigo Baarlamaanka, Iyada oo Sidoo kalena la filayo in Madaxweyne Faroole dalka dib ugu soo noqdo
Wararka Qaar ayaa sheegaya in Faroole soo gaabin doono Safaro u dibada ugu maqna isaga oo ka cabsi qaba in Baarlamaanku Xilka ka qaado intaa u Dalka ka maqan yahay
Comments (0 posted):
Post your comment