citizen_709627969.jpg Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
Somali Radio

  • Islam Linkz
  • Somali Linkz
  • Home | News | Mujaahidiinta oo ku dhawaaqay Geerida Madaxii Qabuuro galeenka ee Gedo.

    Mujaahidiinta oo ku dhawaaqay Geerida Madaxii Qabuuro galeenka ee Gedo.

    Font size: Enlarge font

    Maktabka Milateriga ee dhanka Warbaahinta ayaa ku dhawaaqay in la xaqiijiyey geerida mid ka mid ah xubnihii ugu sareeyey kooxihii weerarada ku soo qaaday gobalka Gedo ee dalka Soomaaliya, kaas oo ahaa madaxii ugu sareeyey Suufiyada Gedo ee weeraray Garbahaaray iyo Balad-Xaawo.

    Afhayeenka ugu sareeya dhanka Warbaahinta ee Milateriga Mujaahidiin Sheekh Cabdicasiis Abu Muscab ayaa xaqiijiyey geeridan, wuxuuna sheegay in ay Mujaahidiintu wadi doonaan talaabo kasta oo loogu dhib geysanayo cadowgu.

    Abu Muscab wuxuu tilmaamay in ay doonayaan in ay raali galiyaan Allaah, oo ay naxdin iyo wel-wel iyo cabsi ku beeraan cadowga Allaah, wuxuuna sheegay in ay wadi doonan dagaalada Gedo, oo ay Shareecada Islaamka dib ugu oogi doonaan Balad-Xaawo, Luuq, Ceelwaaq iyo Garbahaaray oo manta ay joogaan cadowga Allaah.

    Sheekhu wuxuu si toos ah usheegay in uu dhintay Xasan Qoryoolay oo ay horay usheegtay idaacadaha in uu xalay ku dhintay magaalada Nayrobi, markii laga qaaday Garbahaaray, oo la sii mariyay Balad-Xaawo.

    Horay kooxaha ku soo duulay Gedo, waxa ay usheegeen in ay dileen Sheekh Mujaahid Fu’aad Maxamed Khalaf iyo Sheekh Mujaahid Muqtaar Roobow Cali, balse taasi badalkeeda waxaa la xaqiijiyay geerida Xasan Qoryoolay Madaxii Qabuuro galeenka Gedo, Saraakiil ay ka mid yihiin Xasan Maxamed oo aad ugu dhawaa Itoobiya iyo Xildhibaano ka tirsanaa kuwa jooga Muqdisho.


     

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (2 posted):

    Shugri on 05 May, 2011 01:04:19
    Suna waljameeca hadi ay noqdeen qabuuro gal waa sunadii Rasuulka NNK iska ayaa lokadayday lagin kuwa cambuurka dumarka gashan ee qawarijta ah maxeey Rasuulka kagadaydeen oo ay wadaan?
    AXMADEY on 07 May, 2011 04:14:13
    KHAWARIJ AYAA TIHIIN DIIN MA HAYSATIIN, KHER ILAHEY MA IDIN SIYO, UMMADDA WA DHIBTEEN, AYAMAHINA WAY TIRSANTAHAY.

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    Tags
    No tags for this article
    Rate this article
    0
    Powered by Vivvo CMS v4.0