citizen_709627969.jpg Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
Somali Radio

  • Islam Linkz
  • Somali Linkz
  • Home | News | Fuaad Shangole oo beeniyay inuu ku geeriyooday dagaaladii gobalka Gedo

    Fuaad Shangole oo beeniyay inuu ku geeriyooday dagaaladii gobalka Gedo

    Font size: Enlarge font

    Sheekh Fu’aad Maxamed Qalaf oo ka mid ah saraakiisha Xarrakada Mujaahidiinta Shabaabul Mujaahidiin oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inaan lagu dilin dagaalladii ka dhacay degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo Isniintii lasoo dhaafay.

    Shirka jara’aid ee Sheekh Fu’aad Qalaf ayaa imaanaya xilli xubno uu ka mid yahay guddoomiyaha gobolka Gedo ee dowladda KMG ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Kaliil ay sheegeen in Sheekh Fu’aad iyo saraakiil kale lagu dilay dagaallo culus oo maalin ka hor ka dhacay degmada Garbahaarey kaasoo u dhexeeyay ciidamada DKMG ah oo garabsanaya xoogagga Ahlusunna iyo dagaalyahannada Xarrakatul Shabaab.

    “Waxaa la faafiyay in Sheekh Fu’aad uu dhintay. Ilaahay baan i nooleeyay markii uu qaddaro ayaana dhimanayaa. Adduunka ayaana weli wax ku leeyahay,” ayuu yiri Sheekh Fu’aad Qalaf oo sidoo kale sheegay in warka la faafiyay ay ka mid ahaayeen in maydkiisa la hayo taasoo uu ku sheegay been weyn oo la faafiyay.

    Dagaalkii ka dhacay degmada Garbahaarey ee xarunta goboolka Gedo Isniintii lasoo dhaafay ayaa waxaa ku dhintay dad u badan dhinacyadii dagaalamay, kuwaasoo la sheegay inay ku jireen saraakiishii hoggaaminayay labada ciidan.

    “Waxaan u bishaareynayaa muslimiinta, waxaana ka nixinayaa saacaddan cadowga Islaamka oo Mareykanku u horreeyo iyo kuwa kale, waxaana leeyahay inta aan noolahay waan idinla dagaalamayaa,” ayuu yiri Sheekh Fu’aad Qalaf.

    Saraakiisha dowladda KMG ah ah ee sheegay inay dileen Sheekh Fu’aad ayaa sidoo kale sheegay inay dileen sarkaal kale oo magaciisa ay ku sheegeen Shukri Xaaji Aadan, inkastoo uusan sarkaalkan weli la hadlin saxaafadda.

    Dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegay inay dileen Cumar Xamaami oo looga yaqaan Soomaaliya Sheekh Abuu-Mansuur Al-Amriiki, balse hadal uu bar Internet ah dhigay ayuu ku sheegay inuu weli nool yahay oo aanu dhiman.
    .

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (5 posted):

    shoople on 05 May, 2011 05:16:40
    Nin Dalkeesa iyo Dadkiisa neceb in oo dhinta ayaa dhaanto.Ilaah ayaa mahad leh hadii maanta cadawgiisa iyo cadawga uunkiisa ey dabargoyn ku socoto. Jiriyadaan Islanka ka beenshegay oo ayadihii qur,aanka si qaldan u fasiraayo waa dhamaaday waqtigooda oo ILAAH waxow guusha la jeclaaday uunkiisa dhamaantood si ey maslaxada aduunka u so celiyaan. Tuugada Somalia la marin habaabiyay oo caruurti iyo ciroola ba dagaal ku qasbaayo waqtigoda waa dhamaaday. Waa in meeydkooda xamar la dhax suro gaar ahaan kuwa ka yimid waqooyi Somalia. Reer konfurka waa in la hanuuniyo oo caqliga lo so celiyo. Tani diin ma aheyn ee waa dabar gooyn logu talagalay reer koonfurta. Maanta wixi ka danbeyo waa in la suurta geliyo mab,da reer koonfurta oo kaas a waligi xalaal ahaa. Waa in talada gacanta loo giliyo XISBIGII SDM iyo xulufadooda reer BANAADIR IYO JOWHAR. Dadkaan ayaa waligood tala toosnaa oo DIINTANA qadarinjira ahna dad wax tabcaayo. Waxaa so raaco waxi xalaal nimo mujiyo. Waa in dalkaan oo ka talin karo ruux kasto oo reer koonfur ah Biyamaal,Tuni,Raxan weyn,Galadi,Bagadi,Shanshi,Dalandoole,Shiidle,Jareer Weyn,Sadax Geedi, WadaLAAN, Gare, Gaal Jecel, Jajeele,Dagoodi, Baajuun, Reer Baar DHEERE, iyo reer Af-madow. Talada intaan ayeey ka go,daa dalka Somaliya oo muwadiniin sax ah.
    Houston Rice Owls Tickets on 08 May, 2011 02:34:15
    I like this concept. I visited your blog for the first time and just been your fan. Keep posting as I am gonna come to read it everyday!!
    Used Toyota on 08 May, 2011 02:37:43
    Hi webmaster, commenters and everybody else !!! The blog was absolutely fantastic! Lots of great information and inspiration, both of which we all need!b Keep 'em coming... you all do such a great job at such Concepts... can't tell you how much I, for one appreciate all you do!
    AXMADEY on 09 May, 2011 02:31:59
    MARKAAN WA KA BAXSATAY, LAKIN MARKA KALE FURSAD MA LAGU SINAYO EE BULACADA KA TIMID KU NOQO, QOF MA KU BAAHNA, WELIGINA XUKUN MA QABANEYSIIN E HA IS WALINA.
    mahad on 09 May, 2011 07:51:47
    waxaa wax lala yaab ah wahaabiyo tiraahdo dadba gaalo ah ayada oo agyahay in ay yihii kufaarta aduunka uxun siada xadiisku cadaynayo marka waxaa layaabaa web yaqyaqsiga ay ku hadlaa mayagaa kufaar kale ah waa sidaas

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    Tags
    No tags for this article
    Rate this article
    0
    Powered by Vivvo CMS v4.0