

Madaxtooyadii Galmudug Oo Lala Wareegay
Sidaa aan ka soo xiganay Qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta Maamulka Galmudug waxa la xirtay Gurigii Madaxtooyada Ee Maamulka Galmudug oo aha Xuruntii u Maamulka dowladu ku shaqeynayey, Iyada oo la sheegay in Dhamaan Agabkii yiil Xurunta aay qateen Dad Shacab ah, Wararku waxay tilmaamayan in Guriga oo u laha nin Ganacsade ah u Albaabada isagu dhuftay, Iyada oo aan la Aqoon Sababta Arrinta ka dambeysa
Taliyaha Ciidamada Booliska Maamulka Galmudug Cabdi Xasan Qoreey ayaa isagu sheegay in Guriga Madaxtooyada u iska laha nin Shacab ah isla markana u isagu xirtay, isaga oo aan Faah faahin ka bixin sababta, Sidoo kale taliyaha Booliska ayaa sheegay in Xilligan uusan jirin Wax Maamul Galmudug la dhaho oo u Shaqeynaya Nidaam dowladeed, isaga oo sheegay in Ninkii Madaxweynaha ka aha Maamulku U Dibada iska fadhiistay, sidaa u hadalka u dhigay
Ilo Wareedyo lagu kalsoonan karo Ayaa u Xaqiijiyey Somalifans Online in Sababaha loo Xirtay Xuruntii Madaxtooyada isla markana loo qatay dhamaan Agabkii yiil aay salka ku heyso Khilaaf Siyaasadeed oo soo kala dhexgalay Mas’uuliyiinta Maamulka Galmudug
Maamulka Galmudug ayaa isagu ah mid ku kooban Magaalada Gaalkacayo waxana Muddoyinkan dambe u muuqda Mid u Khilaaf ba’aan Ragadiyey Hawlahiisi Shaqo
Comments (0 posted):
Post your comment