Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
Somali Radio

  • Islam Linkz
  • Somali Linkz
  • Home | Maqaal | MADAXWEYNE SHARIIF OO CAMALOOW U YEERTAY SI AY HANTIDII QARANKA U BOOBAAN (DUKUMINTI CADEYNAYA)

    MADAXWEYNE SHARIIF OO CAMALOOW U YEERTAY SI AY HANTIDII QARANKA U BOOBAAN (DUKUMINTI CADEYNAYA)

    Font size: Enlarge font

    Waxaa inoo suurtagashay in aan helno nuqul ka mi dah heshiis ay wada saxiixdeen dowladda Soomaaliya iyo shirkada Shulman Rogers, waxaana nuxurka heshiiskaasi uu ahaa in dowladda federaalka lagu wareejiyo lacago ay horay bangiyada u dhigteen dowladdii Marxuum Max’ed Siyaad Barre.

    Dowladda federaalka ayaa horay u magacowday Guddomiyaha bangiga dhexe, waxaana qorshaha magacaabitaanka Guddoomiyaha bangiga uu qeyb ka ahaa heshiis ay wada gaareen labada Shariif iyo Guddoomiyaha cusub ee bangiga dhexe Camaloow, waxaana Camaloow loo magacaabay la-taliye xagga Arrimaha maamulka Bangiga iyo soo celinta hantida Qaranka oo horay loo xannibay, waxaana uu Camaloow ahaa guddomiyaha bankiga dhexe xilliyadii Siyaad bBarre.

    Mr Camalow wuxuu horay u fududeeyay Cali Mahdi Mahamed inuu hantidaas Qaranka boobo xilliyaddii uu Madaxwaynaha ahaa, waxaana sida ku cad dukumintiga lacag garaysa Kontan Malyan oo Dollar oo ka hartay deeq dowladdii Siyaad Barre la siiyay oo ahayd Todobaatan Milyan oo 20 Milyan oo kaliya ay dawladaas ka isticmaashay kuna iibisay dayaarad Boeing 720 ee Somali Airline,

    Waxaa kaloo uu la baxay Camalow Toban milyan oo Hantidii Qaranka ahayd oo Bank ku yiilay Switzerland ku keydsaneyd isgaoo wali ka faaidaysanaayo xilkii hore ee Guddomiyaha bankiga Dhexe ee Soomaaliya.

    Waxaa kale oo uu aad uga qayb qaatay shirkadii De La Rue ee ee Ingriiska ahayd ee soo rartay lacagtii shilling Soomaliga ahayd bishii Ogoosto 1991 ee Cali Mahdi xilligiisii oo waxaana uu dalaala ka ahaa laalushkii Cali Mahdi la siiyay oo ahaa Shan boqol kun oo dollar oo Farah Munye Guddomiyihii SHIFCO ku qaatay shantii Markab ee kalumaysi uu Qaranka lahaa.

    Haddaba iyadoo aysan Golaha wasiirada kaba warqabin arrintaan , Baarlamaana uusan xanteeda maqlin , ayaa labada Shariif kula heshiiyeen rugcadaaga isdaba mariska ku fcaan baxay Camalow inuu inta hartay hantidii Qaranka loo soo boobo shirkadda loo dirayna ay Bil waliba qaadanayso 50, 000 USD , hanti kasto ay soo wareejisna ay ku qaadanayso 3.5%.

    Waxaa is weydiin mudan dawladda ku meel gaarka xaq iyo sharci ma u leedahay hanti Soomali ka dhexayso inay la wareegto iyada oo aan xukumin xittaa Xamer rubac ka mid ah. hantida xaniban ee Qaranka lahaa waxaa iska leh Qarankii Soomaaliyeed oo ay Soomaaliland ku jirto. waxaa isku day badan sameeyay oo ku fashilmay dowladdii Carte, TFG-dii Cacbdulaahi Yuusuf, xitaa tii Salbaar way isku dayday.

    Lacagihii been abuurka ahaa ee soo maray waxaad ku arki reportka hoos ku yaalo . waxaa intaas sii dheer midda hadda Sudaan lagusoo daabacaayo ,

    sida ku cad waraaqahan waxaa la yaab leh inuusan Madaxwaynaha maamul waxba lka aqoonin balse shariif sakii uu taagtiisi kula taliyay halkii Bulletine Ufficiale wax lagu faafin lahaa Notaayo la geeyay waa mucjisee bal arka.

    Heshiisna waxuu dhaqan galaa markii Golaha wasiirada intay goaamiyaan aqlabiyad, baarlamaanka ansaxiyo ayaa sida haykalka ah waxaa saxiixa hawshaas iska leh Guddomiyah Bankiga Dhexe oo xitaa Wasiirka Maaliyadda uusan far saari karin.

    Di u fiiri wadamada burburka soo maray , hantidoodii waa xayiranatahy, wali wadan Brudi wxaba looma soo daynin, Ciraaq hadaa loosoo dayay markii doorashada xorta ah ka dhacday iyadoo waliba wadamo reer galbeed ah riixayaan. dawlad aan maamulkeeda caasimadda rubaceed haysan see hantidii qaranka miis hoostii inay ku qaadato ugu tafa xaydan kartaa . aaway scabkii , aaway wasiiradii, aaway Raisal wasaarihii aaway, Baarlamaankii aaway waxgaradkii aaway aawayaawayaawayaaway

    Ma laba Shariif-baa maantana Camalow ciidan baday

    Halkaan Karoga Dukumeentiga Shirqal Owsad

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (0 posted):

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    Tags
    No tags for this article
    Rate this article
    0
    Powered by Vivvo CMS v4.0