Magaalada Doolow ee gobalka GEDO ayaa galabta waxaa ka soo dagay labo diyaaradood oo ay leeyihiin ciidamada Itoobiya oo dhowaacyo iyo askar mayd ah ka keentay goobaha ay dagaaladu ka socdaan ee magaalada Muqdisho sida uu Gedonet u xaqiijiyey masuul ka tirsan maamulka degmada oo codsaday inay magaciisa la sheego.
Waxaa sidoo kale soo gaaray magaalada Doolow saaka iyo galabta ilaa iyo todobo gaari oo ka yimid gudaha wadanka Soomaliya oo ayaguna la sheegay inay wadeen askari dhowaac ah oo ka tirsan ciidamada Itoobiya oo la xaqiijiyey inay ku soo dhowaameen dagaaladii ka soconayey dhowrkii cisho ugu dambeeyey gudaha Magaalada Muqdisho. Amaanka garoonka diyaaradaha ee magaalada Doolow ayaa waxaa si weyn u joogay ciidamado ka socdo kuwa
wadanka Itoobiya oo isugu jira kuwa horay u degganaa magaalada iyo kuwa ka soo talaabay magaalada Doolow oo kuwa dadka magaalada inaysan guryaha ka soo bixin inta gaadiidkaasi ay ka talabayeen xuduudka ay Itoobiya ay wadaagto wadanka Soomaliya. Mid ka mid ah maamulka degmada Doolow oo codsaday in magaciisa la sheego oo hadalkiisa sii wato ayaa sidoo kale Gedonet u sheegay in tirada askarta dhowaaca ah iyo dhimashadu uu ku sheegay ilaa iyo 196 askari oo uu yiri maydka la keenay waxa ka mida ahaa duuliyaashii waday diyaaradii qumaatiga u kacaysay oo dhowaan lagu soo riday magaalada Muqdisho.
Dadweynaha Doolow ee dhanka Itoobiya ayaa la sheegay inay diyaarinayeen tan iy o galabta godad waaweyn oo lagu aaso askartaasi maydka ah sida ay u sheegeen dad goobjoogayaal oo ku sugan dhanka Doolow ee Itoobiya.
|