Kids Islam Histories
Qura'an Translation
Al-Jebra Learning
Reading Qur'an
Somali History
Somali Songs
Web Design
Maqaalo
• Amin Arts.com
• Aflax-online
• Banaadir.org
• Calanka.com
• Gandershe.com
• Hiiraan.com
• Hobyonet .com
• Somali Sports
• Somali Jaceyl
• Sosca.ca
• Somaliroots
• Somali Cartoons
• Somalitalk.com
• Somali Sports
• Somali post
• Somali Net
• Ayaamaha
• ayahanolasha
• Qaranpress
• Somali Press
• Worldcup History
 
 
 
 
   
Somali Youth Basketball Camp, waa urur madaxbanaan oo tababar u fidiya caruurta dadoodu tahay 10 sano  ilaa iyo 17 sano, saldhigooduna uu yahay Toronto Ontario Canada.
Waxaa barnaamijkan wada, Qaar ka mid ah ciyaartooydii hore ee Kubadda Kolayga Soomaaliyeed. Oo ku kala nool Qaaradaha America Canada iyo Europe. Fikradaan oo ka danbaysay kulano sanadeed markiiba lagu qabto wadamada aan kor ku soo xusnay ayaa talaabadii ugu horeysay waxaa ku guulaystay Ciyaartooydii ka socotay wadanka Canada oo wax la taaban karo la soo shir tagay kulankoodii London ay ku yimaadeen in ay uga qayb galaan Tartankii (Somali Basketball Week) oo dhawaan ka furmay London. Waxay noo sheegeen in Ururku uu albaabada u furay cid alla iyo cidii danaynaysa in ay ilmahooda keeni karaan ayna si gacmo furan ugu soo dhawaynayaan, ayagoo noo sheegay  in ay ilaa iyo hada iska diiwaan geliyeen caruur tiradoodu gaarayso labaatameeyo.1. In laga badbaadiyo caruurtan Qurbaha ku dhalatay dhaqamada foosha xun oo ay ku soo indha furteen kuwaas oo ayna dhaxal u lahayn. Lana baro saaxibka wanaagsan midkuu yahay.
2. In laga dhiso Maskaxda iyo Jirkaba.
3. In la baro ixtiraamka Waalidka iyo Walaalka iyo qofkii ka wayn sidii ay ula macaamili lahaayeen. 4. In la baro lagana soo saaro ciyaartooy Heer Qaran oo mustaqbalka anfacda Qarankii Soomaaliyeed. Macalinka kooxda Daud axmed dheere ayaa wuxuu inoo sheegay in ay howshaan ku gudo jireen mudo seddex sano ah.
ilaa iyo hadana ay wadaan. sababta ku kaliftayna ay aheed, caruurta ku nool Canada oo aad u xiiseeya kubada
basketbalka, waxaana aragnay caruurta inaysan heysan meel ay ku ciyaaran.markaa waxaan ku fikirnay in aan gacan qabano caruurtaan yar yar ee mustaqbalka kaleh cayaarta basketbalka.
Runtiina waxaa ku jira ciyaartooydaan aadka u yar yar qaar cayaartooda ay aad u fiican tahay iyo kuwo u baahan in la tababaro, muhiimada ugu weyn aan ka leenahay waxay aheyd, in caruurta ay bartaan walalahooda Soomaaliyeed oo aysan horay fursadan ugu helin in ay bartaan, oo ay is walaashadaan, ma aha in ay kubad kaliyah uun
ciyaaraan, ee waa in ay somalinimada bartaan, edebta ixtiraanka oo ka mudan yahay ciyaartoyda la jirto amaba ka soo horjeedo, ixtiraamka waalidka uu ka mudanyahay & macalimiintoodaba. Somali Youth Basketball Camp Macalin Daa’uud, wuxuu kaloo inoo raaciyay hadalkiisii in ay yihiin urur madax banaan oo aan wax daqli ah aan ku helin Hay’ad ama dowlad midba. Aragtidooduna ma ahayn in ay dhaqaale ku helaan
balse ay rabaan in ay ka badbaadiyaan caruurta yar yar ee soo koreysa bannaana wareega,
maxaa yeelay isboortiga waa waxa kaliya ee qofka ka leexiya waxyaabaha xun xun. Sidii aan horayba ula soconay, Ciyaartooydii ciyaari jirtay Kubadda Kolayga ayaa waxaa lagu xaman jiray in ay xaga waxbarashada iyo aqlaaqdaba kaga horeeyeen ciyaartooydii kale ee qaybaha kale ee Sportiga Soomaaliyeed. Hadaba waxaan damacsanahay in aan horseed iyo tusaale u noqono da’yartaan soo koreeyso. Waqtiga Tababarka waa hal maalin wiigiiba, maalinta
Sabtida oo keliyah. Saacadu markay tahay 6pm to 10 pm Goobta Tababarkana waa: 3100 Weston road Toronto Ontario Canada Tababara yaashu waa: Daud dheere & Axmadey banaaye Tell: (416)-875-4890