Wargayska New York Times, ayaa warardheeraad ah oo faahfaahsan ka qoray lug kulaanshihii Maraykan ee dagaalkii Itoobiya Maxkamadaha ku qaaday. Dawlada Maraykanka ayuu Wargayska New York Times sheegtay in
duulaanka ay Soomaalida ku qaaday laga qorsheeyey lagana qaaday wadanka Itoobiya. Weerarada ayuu wargaysku sheegay in bariga Itoobiya laga qaaday lagu qaaday Maxkmadaha . Xiriir dhow oo aad u mugwayn oo dhinaca sirdoonka ah ayuu Wargaysku sheegay inuu dhexmaray Maraykanka iyo dawlada Itoobiya, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen sataalaydyadda wax basaasa ee Maraykanka ay u gudbinayeen ciidanka Itoobiya saldhigyadda ciidanka Maxkamadaha.
Ciidanka sida khaaska ah u hawlgala ee Maraykan ayaa la dhoobay xuduuda Kenya, iyadoo ay la shaqaynayaan cidanka Milateriga Kenya si ay u ugaarsadaan dadka maleeshiyad xuduudka soo dhaafaysa Maraakiibta dagaalka ayaa bilaabay in ay Bada Soomaaliyeed gaafwareegaan, iyadoo kuwa dagaalka ee Jabuti ku sugan heegan buuxa la geliyey. Sidoo kale diyaaradaha F-15Es oo kasoo duulayey saldhiga Al-cudaydi ee Qatar ku yaala ayaa hawlgalo gaar ah fulinayey. Ciidanka Maraykanku waxay si wadajir ah ula shaqaynayeen saraakiisha Itoobiyaanka iyo kuwa Kenya, shaqaalaha CIA ee Itoobiy, Kenya iyo Soomaaliya ku sugan hawlahoda si joogta ah ayey isku xirnaayeen. Dagaalkan ayaa ahaa mid si wayn loo qorsheeyey oo ay Maraykanka, Itoobiya iyo Kenya kawada qaybgaleen.
Qaar kamid ah kooxaha sida gaar ah u tababaran ee oo ka tirsan Task Force 88 ayuu wargaysku sheegay in la dejiyey Itoobiya iyo Kenya, kuwaasoo Soomaaliya ka hawlgelayey.
Saraakiil Maraykan ah ayaa wargayska u sheegay in hawlgaladda lagula dagaalamayo kooxaha Argagexisada iyo wadashaqaynta Maraykan iyo Itoobiya uu sanado soo socday. Saraakiisha ayaa waxay kaloo sheegeen inkastoo sida ay sheegeen ay qabteen xubno ka tirsan maleeshiyada Islaamiyiinta qaarna ay dileen, laakiin ayna u suuragelin in ay qabtaan ama dilaan ragii la doonayey ee Al-qaacida ka.
Wargaysku wuxuu kaloo sheegay in Soomaaliya ay weli fawdo tahay Maraykanka iyo dawlo Afrikaan ah ay doonayaan in ay ciidan nabad ilaalineed oo Afrikaan ah Soomaaliya loo diro si ay u xasilayaan, laakin saamaynta xiliga fog oo ay Soomaaliya ku reebi karto hawlgalada Maraykank ayuu Wargaysku ku sheegay in ay tahay mid aan cadayn oo mugdi wayn ku jiro.
Wargaysku wuxuu sheegay in kooxaha sida gaarka ah u tababaran ee Maraykanka ay Soomaaliya ka hawlgaleyeen, islamarkaana diyaaradaha AC-130 weerarao ku qaadeen meelo Soomaaliya ka tirsan. Wadashaqaynta dhow ee Maraykanka iyo Itoobiya iyo ka qaybqaadashadda Maraykanka ee duulaankii Itoobiy Soomaaliya ku qaaday iyo in ciidanka Maraykanka ay weerarooda ka qaadayeen Bariga Itoobiya ayuu Wargaysku ku sheegay in ay ahaayeen kuwo qarsan oo aan horay loo shaacin.
Wargaysku wuxuu sheegay in hawlgaladda sirta ah ee ay wasaaradda gaashandhiga Maraykanka ay Soomaaliya ka fuliyeen ay qayb ka tahay hawlgalo uu Pentagon dunidoo idil kawado kuwaasoo lagu ugaarsanayo saraakiisha sar sare ee Al-qaacida ka tirsan. Madaxweyne Bush ayuu wargaysku sheegay in wixii 11Sept. ka danbeeyey uu awood u siiyey Pentagon in ay hawlgalada caynkaan ah fuliyaan, iyadoo hawlgaladani ay horay u qaban jireen ciidanka sirdoonka Maraykanka.
Markii hawlgalka milateri ee baaxada wayn ay ciidanka Itoobiya bilaabeen ayuu Wargaysku sheegay in saraakiil Maraykan ah ay iska fogeeyeen in ay qorshahaas taageerrsanyihiin, sababtoo ah lama ogayn halka uu ku dhamaan doono, laakiin waraysiyo kalaga qaaday saraakiil kala duwan oo hay’ado kala duwan ka tirsan ayaa waxaa soo baxday in Mraykanka iyo Itoobiy ay yeesheen xiriir dhow iyagoo heshiis ku galay in ay xididadda u siibaan kooxaha mayalka adage e Soomaalida.
Pentagon waxay sanado tababar siinayeen ciidan Itoobiyaan ah oo lagu sheegay in argagexisada la dirirayaan meel ku dhow xuuduudka Soomaaliya. Ciidankaas ayaa si wayn uga qaybgalay dagaalkii Soomaaliya lagu qaaday. Sirdoonka ay wadaageen ciidanka Itoobiya iyo kuwa Maraykanka ayaa waxaa ka mid ahaa xarumaha ay Islaamiyiintu ku sugan yihiin ee goobaha dagaalka kuwaasoo lagu soo tebinayey satalaadyo uu Maraykanku leeyahay.
Dawlada Iyoobiya ayaa iyadu arrinakn ka codsaday Gen. John P. Abizaid, oo isagu xiligaa ahaa taliyaha ciidan hogaanka dhexe ee Maraykanka. Xiriirka u dhexeeya Maraykanka iyo Itoobiya ayaa ahaa mid aan joogta ahayn laga soo bilaabo hawlgaladii Maraykanka ee 1992 iyo dagaalkii Caydiid iyo Maraykanka dhexmaray ee 1993. Laakiin xiriirka Maraykanka iyo Itoobiya wuxuu isku tolmay bishii June ee sanadkii 2006 markii dagaalyahanka Maxkmadaha Islaamig ah iyo xoogaga kooxo xagjirayaal ah ay jebiyeen hogaamiye dagaalkii garabka iyo taageeradda ka heli jiray CIAda.
|