|
 |
Wasiirka howlaha guud iyo guriyeynta Eng. Xuseen Maxamed Farax Caydiid oo ku biiray xildhibaannada mucaaradka ku ah Dowladda FKMG ee joogo Eritrea?
|
|
Dhageeyso |
Warar lagu kalsoon yahay oo laga helay ilo muhiim ah oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Khilaaf xoogan iyo kala shaki uu soo kala dhex galay Isbaheysigii horjoogayaasha Maleeshiyaadkii Walaalaha Mudug ee Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya, kadib markii Ra-iisul wasaare kuxigeenka 1aad ee Mr.Xuseen Maxamed Faarax Xasan -Ceydiid- uu si lama filaan ah u tagay magaalada Asmara ee Dalka Ertereya...
Wararka ayaa sheegaya in xiisadani ay sare u kacday kadib markii ay guuldareystay waan waan ay wadeen Madxda Ethiopia, oo ay ku doonaayeen in la xaliyo khilaaf xoogan oo soo kala dhex galay Col.C/Laahi Yuusuf iyo Mr. Xuseen Maxamed Ceydiid, wuxuuna Mr. Ceydiid muddo ku sugnaa magaalada Dubai halkaasoo uu kaga war sugaayay Mas-uuliyiinta Ethiopia, wuxuuna kadib go-aansaday inuu ku biiro mucaaradka xoogan ee ka soo horjeeda Dowlada Imbagtahi mkuwaaoso xarun u ah magaalada Asmara, xiisadaan ayaa durbadiiba laga dareemay xaafadaha ku teedsan Madaxtooyada oo ay ku badan yihiin taageerayaasha Xuseen Maxamed Caydiid,iyagoo bilaabay dhaqdhaqaaq xoogan oo ay ay isku abaabulayaan, kadib markii ay soo baxday in Mr.Xuseen Maxamed Faarax Caydiid ku biiray xubnaha halgan doonka ah ee ku sugan Asmara, Madxda Maleeshiyada Xuseen Maxamed Caydiid ayaan la ogayn mowqifka ay ka qaadanayaan dowladaCabdilahi Yusuf,waxaase la sheegay inuu madaxtooyada ka jirtay cabsi iyo kala shaki balaaran iyadoo saraakiisha Ciidamadda Ethiopia ay soo saareem amaro ah inay aagaga dagaalka ay wada tagaan taageerayaasha Xuseen Ceydiid iyo kuwo Puntland kadib markii ay wel wel ka muujiyeen xiisadaani oo ay isaga baxaan gudaha Madaxtooyada, Isbaheysigii Walaalaha Mudug ayaa u muuqda inuu burbur ku yimid waxaana la sheegay in mas-uuliyidda burburkaasi dusha laga saaray Col.C/laahi Yuusuf oo ka baaqsaday inuu tixgeliyo heshiisyadii lagu wada unkay Isbaheysigaasi, warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in sheegay Col.C/laahi Yuusuf inuu awlba dagaal toos ah kula jiray Beelaha Hawiye isla markaasna aysan waxba u dhimeynin hadii xitaa ay la aragtiada ay ka tagaan oo ku biiraan dhinaca kale
|
|
|
|
|
|
|
 |
Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line Read More |
|
 |
 |
 |
|
|
 |
 |
 |
 |
 |
 |
 |
 |
 |
 |
 |
 |
|
 |
 |
 |
|
 |
 |
 |
|