Warar hoose oo ka soo baxaya kooxda Mbagathi iyo Ciidamada Itoobiyaanka ah ee xoogga ku heysta dalka ayaa sheegaya in ay wadaan qorshe lagu waxyeeleynayo dadka rayidka ah ee ku nool qaar ka mid ah Xaafadaha Magaalada Muqdisho,Iyadooo qorshahaasi ay horboodayaan qaar ka mid ah Shaqaalha kooxda Mbagathi.
Xaafadaha ay Ciidamada Cadowgu iyo kuwa maleeshiyaadka kooxda Mbagathi Qorsheynayaan in ay weeraraan ayaa waxa ay u badan yihiin Goobaha ay ku sugan yihin dadadka k ahorjeeda Gumeysiga ay Ciidamada Cadowgu ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed ,Iyadoo sida aynu ku heleyno Warar hoose ay Sheegayaan in Qorshaah ay Cadowgu wadaan u hayey in gabi ahanba la xasuuqo dadka rayidka ah ee ku nool goobaha lala weerarayo.
Qorshahaan ay wadaan Cadowga iyo Koxda MBagathi ayaa u muuqda mid lagu doonayo in lagu xasuuqa Shacabka Soomaaliyeed ee ka dhiidhiyey in ay dalkooda gumeystaan oo gacanta koo galiyo cadowe shisheeye oo la og yahay Taarrkhda Madow ee kala dhexeysa shacabka Soomaaliyeed,in badan dadka Soomaaliyeed ayaa Aaminsan in Qorshhe kasta oo ay wadaan Cadowga Shacabka Soomaaliyeed u noqon doona mid burbur uu u dambeeyo maadaama dalkan ay dadkii dafic laha adiyaar u yihiin.
Ragga horkacaya kooxda Mbagathi ayaa maalmihii ugu dambeeyey waday Qorshe lagu xasuuqayo Shacabka ku nool Xaafado ka mid ah Magaalada Muqdisho kuwaas oo inta badan lagala dagaalamo Ciidamada Cadowga Itoobiyaanka ah iyo kuwa Kooxda Mbagathi,Iyadoo Salaad Cali Jeelle oo Kooxdaas ugu Magacaaban dhinaca Gaashaandhigga uu Bartaramaha Isbuucaan Sheegay in uu jiro Qorshe lagu Weerarayo Qaar ka mid agh Xaafadaha Magaalada Muqdisho.
Qorshahaan ay Cadowgu ku doonayan in ay ku waxyeeleyaan Shacabka Soomaaliyeed ayaa ah mid ay cadowga iyo kuwa daba dhilifka u ah ay wax badan ka shaqeynayeen,hase yeeshee Shacabka Soomaaliyeed ayaa diyaar u ah in ay iska difaacaan Qorshe walba oo Cadowgu ku doonayo in uu ku dhibaateeyo Shacabka Soomaaliyeed.
|