Qarax xooggan oo gilgilay agagaarka Jaamacadaha ee magaalada Muqdisho ayaa shalay lala beegsaday Ciidamada Itoobiyaanka ee halkaasi degan.
Qaraxaas oo ahaa mid is miidaamin ah oo ka dhashay gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa dhacay abaarihii 3:20 galabnimo ee shalay kaasoo laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowladda ee halkaasi ka ag dhow ay goobta isku gadaameen.
Lama hayo xogta rasmiga ah ee ku saabsan khasaaraha ka dhashay qaraxaan oo la tilmaamay in uu ka dhashay gaari Mark2 ah oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo uu watay qof isa soo miidaamiyay kaas oo ku ag qarxay agagaarka Kuliyadda culuunta siyaasadda ee nawaaxiga Jaamacadaha, halkaasi oo fariisin u ah ciidamada Ethiopia.
Dad rayid oo uu ku jiro wiil yar oo 9 jir ah ayaa la xaqiijiyay in uu ku geeriyooday qaraxaan, wiilkaasi oo ka ag dhowaa goobta qaraxa uu ka dhacay.
Waa qarixii labaad oo oo ceenkaan oo kale ah oo muddo 24 saacadood gudaheed ah ka dhaca caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, iyadoo dorraad guriga ra'isal wasaaraha lagu weeraray gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo ay ku nafwaayay ku dhawaad 10-ruux.
Wasiirku ku xigeenka gaashaandhiga Salaad Cali Jeelle ayaa faahfaahin ka bixiyay qaraxaas shalay galab la beegsaday Jaamacadda ummadda Soomaaliyeed halkaa oo fariisin u ah ciidamo Ethiopian ah.
Waxa uu sheegay in qofkii nafti hure ah Baabuur uu watay uu ku qarxiyay meel bannaanka ka ah halka ay ku sugan yihiin ciidamada Ethiopia isla markaana aanay jirin cid qaraxaasi wax ku noqotay sida uu hadalka u dhigay.
|