Education
Kids Islam Histories
Qura'an Translation
Al-Jebra Learning
Reading Qur'an
Somali History
Somali Songs
Web Design
Maqaalo
• Amin Arts.com
• Aflax-online
• Jamaame.com
• Ceelbuur.com
• Gandershe.com
• Hiiraan.com
• Markacadey
• Somali Sports
• Somali Jaceyl
• Sosca.ca
• Somaliroots
• Somali Cartoons
• Somalitalk.com
• Somali Sports
• Somali post
• Boqolsoon.com
•Yaqshid.com
• Ayaamaha
• ayahanolasha
• Qaranpress
• Somali Press
• Worldcup History
 
 
 

Xulka qaranka kubadda kolayga ee 20 jirada ee Soomaaliya ayaa maanta cayaartoodii labaad ee tartanka Zone 5 ee Afrika
ka helay guushoodii ugu horeysay ka dib markii ay xulka Eritrea afka ciidda u geliyeen. Cayaartan maanta ayey xulkeena Soomaaliyeed si aad ah ugu gacan sareeyeen bilawgii ilaa dhamaadkii ayadoo ay
cayaarahana uga qaybgalayaan dalkeena cayaartoy da'yar oo dhamaantood ka tegay dibadda dalka gaar ahaan dalalka Ingiriiska,
Switzerland iyo Canada. Macalimiinta xulka qaranka oo kala ah Cumar Anyeelo iyo kaaliyahiisa Baana Cali ayaa ayagu si aad ah isugu xilsaaray
sidii ay uga shaqayn lahaayeen iskuxirka cayaartoydan oo aan ayagu waligood isla cayaarin mudadii yarayd ee ay isla joogeen
magaaladan London taasoo ay ku amaananyihiin.
Madaxda olimbikada iyo xiriirka kubadda kolayga ee ayagu ku sugan halkaasi amaan aad u fara badan u soo jeediyey
cayaartoyda
iyo macalimiintoodaba ayadoo la filayo haddii ay sidii maanta oo kale u cayaaraan in ay kaalin aad u wanaagsan ka
geli doonaan tartankan iyo waliba kuwa kale ee foodda inagu soo haya.

Bahda cayaaraha ayaa hambalyo aan la soo koobi karin u diraysa cayaartoyda iyo macalimiinta xulka qaranka oo
guushan bilawga ah ee umadda soomaaliyeed mudada badan sugaysay suurageliyey.
Xulka qaranka kubadda kolayga Soomaaliyeed oo ka qaybgalaya tartanka Zone 5 ee qaaradda Afrika ayaa maanta mar kale
cayaar ay uga hortageen xulka Uganda uga adkaaday 70-54 dhibcood. Dhalinyaradan oo ayagu ka tagay dibadda ayey shacbiga reer Nairobi aad ugu farxeen guulahan isdaba jooga ah ee
ay keeneen iyo waliba cayaar wanaaga ay muujinayaan. Cayaartan oo saaka subaxnimadii lagu cayaaray magaalada Nairobi
ayey xulka soomaaliyeed aad ugu gacan sareeyeen ayadoo gabagabadiina ay guushii ku raacday 70-54 dhibcood. Xulka Soomaaliyeed ayaa ayaga ay u harsan tahay cayaar ay galabta uga hortagayaan xulka dalka Masar oo aad u kulul
ayadoo sida aan ka dareemi karno cayaarahana ay xulkeenu cayaareencayaaro isdaba joog ah oo muddo laba maalmood
ah daal farabadanina ka muuqdo ayaa hadana waxa ay cayaartoyda xulkeenu ku dhaarteen in aan si sahal ah lagu gudbi
doonin ayna rajo wayn ka qabaan in ay u soo gudbaan wareega labaad.

Rajada xulkeena ayaa dhinaca kale ku xiran guusha ay maanta ka filayaan xulka Masar ayadoo haddii laga badaiyo
balse ay xulka Uganda ka adkaadaan xulka Rwanda ay sidoo kale xulka Soomaaliya soo bixi doonaan. Si kasta oo ay wax u dhacaanba waxaan shaki ku jirin in guulaha xulka dalkeena ay soo hooyeen ay yihiin kuwa
bilow u ah dib u habaynta lagu wado xulalka qaranka soomaaliyeed ayadoo dhinaca kalena rajo fiican ku abuuri
doontaan dhalinyarada soomaaliyeed ee faraha badan oo kooxaha kala gedisan ee dibadda u cayaara balse mudada
badan sugayey in ay mar un xulkooda u cayaaraan. Waxaa sidoo kale xusid mudan dadkii suurageliyey in ay xulkan ka qaybgalaan cayaarahan gaar ahaan ganacsatada
soomaaliyeed oo kaalmada xoogan ka gaystay safarka cayaartoydan. iyo waliba dadkii isuga keenay dhalin yarta
reer toronto gar ahaan Macil Muuse Al-ustaad Abdidheere,Da'ud ahmed dheere, Ahmadeey B. Farah oday iyo waliba
Anwar thabit.Guul ayaan leenahay xulkeena

Isku aadka
Somalia,Egypt,Eritrea,Ugandha & Ruwandi
Ruwanda Vs Somalia 72-63 (we lost)
Eritrea Vs Somalia 71-90 (won)
Somalia Vs Ugandha 74-57 (won)
Somalia Vs Egypt (today)