Ciyaalka Xaafadda oo Somali United , Ottawa iyo Windsor ba dusha iska saaray.Koobkii Ramadaanka ayaa waxaa si xarrago leh ugu guulaysatay kooxda Ciyaalka Xaafadda oo uu hogaaminayay laacibka wayn ee Cali Baashi. Ciyaaartaas ayaa ku bilaabatay jawi aad u fiican oo labada kooxoodba cayaartooy aad heer sare u ah garoonka kusoo galeen. kooxda Somali united ayaa gelinkii hore weeraro isdaba joog ah qaaday , laakiinse aan wax natiijo ah ka keenin weeraradaas. kooxda Ciyaalka ayaa iyaguna daqiiqadahii dambe ee galinkii hore si fiican isula qabsaday Maxamed yare, Cali Baashi iyo Maxamed (Itoobiya) ayaa iyagu dhowr weerar qaaday, halka uu Canshuur gadaal si aad ah u caaabinayay. Somali United ayaa isla gelinkaas waxaa ka dhaawacmay Cabdifataax oo isagu difaaca aad uga muuqday daqiiqadihii uu ciyaarayay. Haddaba Maxamed deeq ayaa firfircooni garoonka lasoo galay, oo isagu waajibkiisa aad u gutay. Cabdishakuur iyo Deeq ayaa iyagu Cali Baashi laf dhuun gashay ku noqday. Gelinkii hore ee ciyaartana waxay ku dhamaatay 0-0. Gelinkii dambe ayaa ahaa "copy" gelinkii hore oo ciyaarta ayaa isla sidii hore usii socotay, laakiinse Cabdixakim(Ottawa) , Yuusuf Jihaad , Axmadeey iyo
Xuseen dheere ayaa khalkhal geliyay difaaca Xaafadda. halkaas oo fursado xaqiiqi ah ka lumeen.
Tababaraha kooxda United oo isagu aan ku qanacsanayn fursadahaas dhumaya ayaa bedelaad badan sameeyay, taasoo oo aan filayo inay jaanis u noqotay kooxda ciyaalka.Oo wixii intaa kadabeeyay wereer badan soo qaaday. Iyaguna markoodi ayay dhowr fursad iska lumiyaane. Haba ugu darnatee middii ku qubaystay Cali Baashi, oo isagu madaxa qabsay fursadaas ka dhuntay darteed. Axmed (8) ayaa isaguna united si fiican gadaal iyo dhexda isugu xiray. Ciyaartii ayaa waaxay kusoo gabagaboowday 0-0, taasoo keentay in 5 daqiiqo lagu daro, shantii daqiiqo oo ugu dambaysay ayaa united aysan wax bedelaad ah samayn, halka ay Ciyaalku bedelaad fiican sameeyeen oo garoonka soo geliyeen intooda ugu cadcadayd. Maxamed yare oo ahaa xiddiga garoonka ayaa isagoo helay fursad oo caawa dhan sugayay, meel ilaa 18 yards u jirta goolka ayuu kubadd fiican kasoo shuuday halkaasna beerka u geliyay goolhayaha united , garsooruhuna waxaadba u malaysaa inuu afka ku hayay firimbiga. halkaas ayaa guushii ku raacday Ciyaalka xaafadda. Waxaa xusid mudan in labada dhinacba muujiyeen ciyaar wanaag, laakiinse dhinaca united waxaa aad u cadcadaa inanka #8 (Axmed), iyo samigiisa #21 Axmadeey, iyo Maxamed Deeq. Sidoo kale dhinaca Ciyaalka Cali baashi , Maxmed yare, Canshuur iyo goolhaye Rooble.
Gabagabadii ciyaarta ayaa waxaa RamadanCup2006 la guddoonsiiyay kooxda ciyaalka Xaafadda . Sidoo kale waxaa Abaalmarrino la guddoonsiiyay ciyaartooyada kala ah: |