February 05, 2025
Aniga oo ah Adam Maxamad Ciise, ku xigeenka madaxa Masjidka Khaalid Bin Al-Waliid ee magaalada Toronto, isla markaasna ah madaxa isutagga ururrada Muslimiinta Canada ee la yiraahdo bCoalition of Muslim Organizations (COMO)b.
Waxaan warqadaan ku caddaynayaa in aan si buuxda kalsoonidayda u siiyey odaasha iyo wax garadka loo xilsaaray in ay wax ka qabtaan dhibaatada Masjidka Khalid, una dhexaysa maamulka masjidka iyo labada wadaad oo shaqada laga saaray dhibaato ay geysteen awgeed ( Sh. Bashiir Shiil iyo Sh. Abuukar Sh. Xuseen). Waxaan marlabaad caddaynayaa in aniga iyo guddiga maamulka masjidka oo qaatay gobaanka cayrinta labada wadaad aannu qoorta u dhiibanayno gobaanka odayaasha iyo ikhyaarta loo saaray arrintaan ay noo keenaan. Waxaannna rajayneynaa in ay gaari doonaan gobaanno wax ku ool ah oo ku dhisan: caddaalad, garsoor, sama ka talin iyo in ay caddeeyaan xaqa, qofkii gar daranna ay si cad gardarradiisa wajiga uga saaraan, kii gar lehna ay gartiisa u sheegaan.
Waxaan kale oo halkaan ka caddaynayaa in aanan anigu soo dooran odayaasha loo xil saaray in arrintayada dhex-dhexaadiyaan, aanna la igala tashan hase yeeshee markaan arkay magacyada guddiga waxaa ii muuqatay, In yihiin madaxdii, waayeelkii, aqoon yahankii iyo waxgaradkii ummadda Soomaaliyeed ee Toronto ku nool, qofkii taladooda diidaanaa waa qof diidey taladii ummadda oo dhan.
Ugu dambayntii waxaan Allaah idiin ka baryayaa in uu idinku toosiyo waddada xaqa ah (Aamiin).
Adam Maxamad Ciise
Vice Chairman,
Khalid Bin Al-Walid Mosque
Xusuus: waxaa halkaan ku lifaaqan magacyada guddiga dhex-dhexaadinta
February 13, 2025
ODAYAASHA, IKHYAARTA IYO CULAA-UDDIINKA LOO XILSAARAY DHEX-DHEXAADINTA CULIMADA MASJIDKA KHALID BIN AL-WALID
Haddaannu nahay waayeel iyo wax garadka Soomaaliyeed ee magaaladaan Toronto, laga soo bilaabo Axaddii February 4, 2025 waxaa madaxa Masjidka Khaalid Bin Al-Waliid, Sh. Maxamuud Axmad Xasan (Food-cadde) noo xilsaaray, nagana codsaday in aan dhec-dhexaadinno walaalaha ay dhibaatadu dhexmartay oo kala ah Sh. Adam Maxamad Ciise iyo Cabdirisaaq Maxamad Cumar (Godane) oo metelaaya Bordka Masjidka Khalid Bin Al-Walid iyo Sh. Bashiir Shiil Yusuf (Imaamkii hore ee masjidka) iyo Sh. Abukar Sh. Xuseen (directorkii hore ee masjidka).
Waxaannu fadhigayagii ugu horreeyey yeelannay galabtii Talaadada (Tuesday night) February 06, 2007. Shirkaasi wuxuu ku saabsanaa in aannu ka dhegeysanno guddoomiyaha masjidka (Sh. Maxamuud Food-cadde) in uu noo sharxo sababta uu isugu kaaya yeeray iyo caddaynta shaqada aannu qaban doonno. Waxaannu kale oo kaga hadallay isbarashada guddiga iyo in aanno doorannay nin shir guddoomiye ah, kaas oo loo doortay Oday Cismaan Xaji Nuur Yuusuf in uu noqdo shir guddoomiyaha odayaasha dhex-dhexaadinta. Intaas ka dib, waxaan bilownay in aan u cid dirsanno labadii dhinac oo is hayey si ay noogu soo qoor-dhiibtaan noona siiyaan kalsoonidooda dabadeedna aannu guda gallo waxyaabaha u dhexeeya labada dhinac. Intaas ka dib, Sh. Adam Maxamad Ciise oo ah dhinac ka tirsan labadii dhinac oo is hayey, wuxuu guddiga u soo gudbiyey qoraal uu ku caddaynaayo in uu gar yigil u yahay guddoonka odayaasha iyo in uu u soo qoordhiibtay raallina ku yahay wax alla iyo waxay guddigu soo gaaraan qaraar iyo macaanba. Dhinaca kale, isla galabtii talaadada ee Feb. 6, 2007 waxaa loo xilsaaray oday Cisman X. Nuur in uu u yeero kalsoonina ka keeno Sh. Abuukar iyo Sh. Bashiir dabadeedna oday Cismaan wuxuu wacay Sh. Abuukar ilaa iyo afar jeer oo kala duwan fartiinna uu ugu dhaafay gabadhiisa iyo xaaskiisa in uu soo waco hase ahaate wax war ah kuma soo celin. Mar labaad, shirkii guddiga dhex-dhexaadintu uu yeeshay Khamiistii, Feb. 8, 2007 waxaa mar kale la isku soo qaaday in haddana la raadiyo Sh. Bashiir iyo Sh. Abuukar, waxaana goobtii guddiga ballan ka qaaday Sh. Cabdi-Xamiid Cosoble oo guddiga ka tirsan in uu keeni doono labadii wadaad muddo ku siman maalin ama laba maalmood gudohood. Dabadeedna, Sh. Cabdi-Xamiid jawaabtuu soo celiyey waxay noqotay in ay Sh. Abukar iyo Sh. Bashir yiraahdeen: bAnnaga guddigaas nala kalama tashan. Sidaas darted waxaannu qabsannay guddi kale oo annaga na matelaaya.b
Intaas ka dib, markay guddiga ka kooban odayaasha, wax garadka iyo Culumaa-uddiinka Soomaaliyeed ee magaalada Toronto u caddaadtay in labada dhinac oo is haya aan mid ka mid ahi ku kalsoonayn guddiga iyo dhex-dhexaadintiisa, wuxuu guddigu u soo gudbinayaa dhammaan dad weynaha Somaliyeed iyo gaar ahaan dadka ku magaalada Toronto oo sida gaarka ah ugu xiran Masjid Khalid Bin Al-Walid, in uu gobaan ku qaatay qodobbadaan soo socda:
In Sh. Abuukar Sh. Xuseen iyo Sh. Bashiir Shiil ay kalsooni siin waayeen guddiga dhex-dhexaadinta.
In Sh. Adam Maxamad Ciise uu si buuxda u oggalaaday dhammaan talooyinka ay gaaraan odayaashu, kuna soo gudbiyey oggolaanshihiisa qoraalka ku lifaaqan warqaddaan.
In aanu guddigu hawshiisii dhex-dhexaadiska sii wadi Karin maaddaama labadii dhinac oo is hayey midkood diidey in uu usoo qoordhiibto. Sidaas awgeed, guddigu wuxuu goostay in uu masbuuliyaddii loo xilsaaray uu dib ugu celiyo guddoomiyaha Masjidka Khaalid Bin Al-Walid iyo guddigiisa.
Ugu dambayntii waxaannu ku waanineynaa walaalaha is haya in ay maslaxadda guud ka hor mariyaan middooda gaar ahaaneed. Ilaahayna waxaannu ka baryaynaa in uu maslaxad khayr leh dhex dhigo Muslimiinta oo dhan.
Waxaa halkaan ku xusan magacyada iyo saxiixyada guddiga dhex-dhexaadinta:
1. CUSMAN XAJI NUR Guddoomiyaha guddiga ___________
2. MAXAMUD CAWALE GEEDI ___________
3. C/RAXMAN XAJI NUR ___________
4. NASIR CABDI BALLE ___________
5. DR. C/QAADIR KHALIF ___________
6. AXMED SHEIKH XUSSEIN ___________
7. CISMAN AW-ADAN ___________
8. XAJI DAHIR RAMAADI ___________
9. RASHID XAJI ___________
10. SH. C/XAMID COSOBLE ___________
MAGACYADA ODAYAASHA DHEX-DHEXAADINTA
1. CUSMAN XAJI NUR GUDDOOMIYAHA GUDDIGA
2. MAXAMUD CAWALE GEEDI
3. C/RAXMAN XAJI NUR
4. C/NASIR CABDI BALLE
5. JAMAC CARAB
6. DR. C/QAADIR KHALIF
7. AXMED SHEIKH XUSSEIN
8. SHEIKH AXMED YASSIN
9. CISMAN AW-ADAN
10. XAJI DAHIR
11. RASHID
12. SHEIKH C/FATAX C/LAHI
13. SH. C/XAMID COSOBLE
WARBIXIN IYO GObAANKA ODAYAASHA, IKHYAARTA IYO CULAMAA-UDDIINKA LOO XILSAARAY DHEX-DHEXAADINTA CULIMADA MASJIDKA KHALID BIN AL-WALID
Haddaannu nahay waayeel iyo wax garadka Soomaaliyeed ee magaaladaan Toronto, laga soo bilaabo Axaddii February 4, 2025 waxaa madaxa Masjidka Khaalid Bin Al-Waliid, Sh. Maxamuud Axmad Xasan (Food-cadde) noo xilsaaray, nagana codsaday in aan dhec-dhexaadinno walaalaha ay dhibaatadu dhexmartay oo kala ah Sh. Adam Maxamad Ciise iyo Cabdirisaaq Maxamad Cumar (Godane) oo metelaaya guddiga Masjidka Khalid Bin Al-Walid iyo Sh. Bashiir Shiil Yusuf (Imaamkii hore ee masjidka) iyo Sh. Abukar Sh. Xuseen (directorkii hore ee masjidka).
Waxaannu fadhigayagii ugu horreeyey yeelannay galabtii Talaadada (Tuesday night) February 06, 2007. Shirkaasi wuxuu ku saabsanaa in aannu ka dhegeysanno guddoomiyaha masjidka (Sh. Maxamuud Food-cadde) in uu noo sharxo sababta uu isugu kaaya yeeray iyo caddaynta shaqada aannu qaban doonno. Waxaannu kale oo kaga hadallay isbarashada guddiga iyo in aanno doorannay nin shir guddoomiye ah, kaas oo loo doortay Oday Cismaan Xaji Nuur Yuusuf in uu noqdo shir guddoomiyaha odayaasha dhex-dhexaadinta. Intaas ka dib, waxaan bilownay in aan u cid dirsanno labadii dhinac oo is hayey si ay noogu soo qoor-dhiibtaan noona siiyaan kalsoonidooda dabadeedna aannu guda gallo waxyaabaha u dhexeeya labada dhinac. Intaas ka dib, Sh. Adam Maxamad Ciise oo ah dhinac ka tirsan labadii dhinac oo is hayey, wuxuu guddiga u soo gudbiyey qoraal uu ku caddaynaayo in uu gar yigil u yahay guddoonka odayaasha iyo in uu u soo qoordhiibtay raallina ku yahay wax alla iyo waxay guddigu soo gaaraan kharaar (qaraar) iyo macaanba. Dhinaca kale, isla galabtii talaadada ee Feb. 6, 2007 waxaa loo xilsaaray oday Cisman X. Nuur in uu u yeero kalsoonina ka keeno Sh. Abuukar iyo Sh. Bashiir dabadeedna oday Cismaan wuxuu wacay Sh. Abuukar ilaa iyo afar jeer oo kala duwan fartiinna uu ugu dhaafay gabadhiisa iyo xaaskiisa in uu soo waco hase ahaate wax war ah kuma soo celin. Mar labaad, shirkii guddiga dhex-dhexaadintu uu yeeshay Khamiistii, Feb. 8, 2007 waxaa mar kale la isku soo qaaday in haddana la raadiyo Sh. Bashiir iyo Sh. Abuukar, waxaana goobtii guddiga ballan ka qaaday Sh. Cabdi-Xamiid Cosoble oo guddiga ka tirsan in uu keeni doono labadii wadaad muddo ku siman maalin ama laba maalmood gudohood. Dabadeedna, Sh. Cabdi-Xamiid jawaabtuu soo celiyey waxay noqotay in ay Sh. Abukar iyo Sh. Bashir yiraahdeen: bAnnaga guddigaas nala kalama tashan. Sidaas darted waxaannu qabsannay guddi kale oo annaga na matelaaya.b
Intaas ka dib, markay guddiga ka kooban odayaasha, wax garadka iyo Culumaa-uddiinka Soomaaliyeed ee magaalada Toronto u caddaadtay in labada dhinac oo is haya aan mid ka mid ahi ku kalsoonayn guddiga iyo dhex-dhexaadintiisa, wuxuu guddigu u soo gudbinayaa dhammaan dad weynaha Somaliyeed iyo gaar ahaan dadka ku magaalada Toronto oo sida gaarka ah ugu xiran Masjid Khalid Bin Al-Walid, in uu gobaan ku qaatay qodobbadaan soo socda:
In Sh. Abuukar Sh. Xuseen iyo Sh. Bashiir Shiil ay kalsooni siin waayeen guddiga dhex-dhexaadinta.
In Sh. Adam Maxamad Ciise uu si buuxda u oggalaaday dhammaan talooyinka ay gaaraan odayaashu, kuna soo gudbiyey oggolaanshihiisa qoraalka ku lifaaqan warqaddaan.
In aanu guddigu hawshiisii dhex-dhexaadiska sii wadi Karin maaddaama labadii dhinac oo is hayey midkood diidey in uu usoo qoordhiibto. Sidaas awgeed, guddigu wuxuu goostay in uu masbuuliyaddii loo xilsaaray uu dib ugu celiyo guddoomiyaha Masjidka Khaalid Bin Al-Walid iyo guddigiisa.
Ugu dambayntii waxaannu ku waanineynaa walaalaha is haya in ay maslaxadda guud ka hor mariyaan middooda gaar ahaaneed. Ilaahayna waxaannu ka baryaynaa in uu maslaxad khayr leh dhex dhigo Muslimiinta oo dhan.
Waxaa halkaan ku xusan magacyada iyo saxiixyada guddiga dhex-dhexaadinta:
1. CUSMAN XAJI NUR Guddoomiyaha guddiga ___________
2. MAXAMUD CAWALE GEEDI ___________
3. C/RAXMAN XAJI NUR ___________
4. NASIR CABDI BALLE ___________
5. JAMAC CARAB MAXAMAD XANAF ___________
6. DR. C/QAADIR KHALIF ___________
7. AXMED SHEIKH XUSSEIN ___________
8. SHEIKH AXMED YASIIN ___________
9. CISMAN AW-ADAN ___________
10. XAJI DAHIR RAMAADI ___________
11. RASHID XAJI ___________
12. SHEIKH C/FATAX XAJI C/LAHI ___________
13. SH. C/XAMID COSOBLE ___________
|