Kulan ay Shalay Magaalada Baydhabo kuyeesheen Golaha Wasiirada Dowladda Federaalka ayaa waxa ay kaga doodeen Arrimo fara badan, waxaan ugu dambeyntii ay kasoo saareen Qodobo muhim ah oo ay kamid tahay magacaabid Safiiro.
Kulani oo uu shir Gudoominayay Ra'isul wasaare Prof.Cali Maxamed Geeddi ayaa waxaa lagu magacaabay Safiiro iyo taliyaha ciidamada xoogga dalka Somaliyeed, waaana loo magacaabay Xilkaasi Taliyah Ciidamada Xoogga Dalka C/llaahi Cali Cumar iyadoo xilkaasina laga qaaday Jen.Ismaaciil Qaasim Naaji.
Sidoo kale Jen. Naaji ayaa waxaa loo magacaabay safiirka Soomaaliya u fadhiya Cummaan, Max'ed Cali Ameerika waxaa loo magacaabay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya, Xasan Max'ed Siyaad waxaa loo magacaabay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Wadanka Yeman, Muuse Xersi Faahiye oo isaguna loo Magacaabay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Wadanka Jabuuti.
Magacaabitaankaasi kadib ayaa waxa uu sheegay Ra’iisal Wasaare Geeddi in uu u gudbiyay Magacaabistasi Cusub Madaxweyne C/llaahi Yuusuf inkastoo uusan weli sheegin in laga aqbalay iyo inkale.
|