Maxaabiis ka tirsaneyd Maleeshiyaadkii Maxaakimta oo ay dowladda Kenya ka qabatay xuduudeeda xili ay baxsad ahaayeen ayay galabta ku soo wareejisay D.F.S waxaana ay diyaraad gaar ah ka soo saartay Nairobi .Kenya.
hawladeeno ka tirsan Garoonka ayaa Idamaale News u sheegay in ay ragaan Maxaabista ah indhaha ka xirnaayeen gacmahana ay ka jeebeesnaayeen., Afhayeenka Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya C/raxmaan Nuur Maxamed (Diinaari) ayaa sheegay in dowladda Kenya ay soo gudbisay maxaabiistan oo uu sheegay in ay ka tirsanaayeen Maleshiyadii Maxaakimta isagoo ka gaabsaday in ay ku jiran Mas'uuliyiin Maxaakimta ah lakin waxa uu xaqiijiyey in ay ku jirazn rag argagixso ah oo u dhashay Qaar ka mid ah Dalalka Khaliijka .
Diinari waxa uu sheegay in la soo taagi doono Goor dhaw Maxkamad qof walbana la marsiin doono waxa uu sharciga ka qabo.
Si kastaba waa tiradii ugu badneed ee Maleeshiyadi Maxaakimta ka tirsan oo la soo qabto iyagoo Maxaabiis ah.
|