|
 |
Xoogagga Kacdoonka Oo Jilib Qabsaday Iyo Kuwa Kale Ay Sh/hoose Ku Suganyihiin (Posted to the Web Apr 24, 12:01) |
|
Wararka ka imaanaya degmadda Jilib ee Gobolka Jubadda Dhexe ayaa sheegay in xoogaga kacdoonka Soomaaliyeed ay la wareegeen gacan ku haynta degmadda Jilib, iyadoo ay xoogag kale oo kacdoonka ka tirsan shabeelada Hoose ku sugan yihiin.
Dhowaan ayaa la filayaa in xoogagaasi ay wadashaqayn yeeshaan una soo fidaan dhinaca Afgooye si loo jidgooyo ciidanka Itoobiya ee wadada Baydhabo ku yimaada. Arrinkan ayaa hadii uu suuragalo dhabarjab ku noqonaya ciidanka gumaysiga Tigreega iyo kuwa u adeega.
Qabaa'isha Soomaaliyeed ayaa maalinba maalinta ka danbaysa ku baraarugaya qorshaha guracan ee dawlada Itoobiya, iyagoo kusoo biiraya xoogaga iskacaabinta Soomaaliyeed. Warar aan weli la xaqiijin ayaa sheegaya in magaalada Baydhabo uu ka socdo guux iyo dhaqdhaqaaq looga soo horjeedo maleeshiyadda c/laahi yuusuf iyo ciidanka Itoobiya.
|
|
 |
Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line Read More |
|
 |
 |
 |
|
|
 |
 |
 |
 |
 |
 |
 |
 |
 |
 |
 |
 |
|
 |
 |
 |
|
 |
 |
 |
|