|
 |
Is-rasaaseyn Dhex Martay Ilaalada Salaad Cali Jeelle & Maleeshiyo Kale... (May 01 2007 16:12:40 ) |
Wararka naga soo gaaraya Degmada Balcad ayaa sheegaya in is-rasaasen xoogan ay dhex martay Ilaalada Wasiir Kuxigeenka Gaashaandhiga ee Dowlada argoosiga ee Imbagathi, Salaad Cali Jeelle iyo kooxo dabley ah oo degaanka ka soo jeeda, taasoo ka dhacday duleedka Degmada Balcad ee G/Sh/Dhexe....
Wararka ayaa sheegaya in labada dhinacba ay dhaafsadeen noocyada kala duwan ee rasaasta, inkastoo aan la ogeyn khasaaraha labada dhinac ka soo gaartay,wararka ayaa intaasi ku daraya in is rasaaseynta ay timid kadib markii kooxo dabley ah maalinimadii shalay Ilaalada Salaad Cali Jeelle ay dhaceen tiro qoryo gacmeedyo ah, waxaana la tilmaamay in kooxdan ay ahaayeen kuwo jidgooyo u tiil duleedka Degmada Balcad, Ilaaladaan iyo gaadiidka galbineysa Salaad Cali Jeelle ayaa naloo sheegay inay ku sii jeeday Muqdisho, iyadoo kooxdii shalay ay Hubka ka qaadeen ay maantana wadada u galeen, taasoo is rasaaseyni dhex martay, is rasaaseyntaas labada dhinac u dhex martay ayaa wararku ay sheegayaan mid socotay qadar daqiiqado ah, lamana yaqaano khasaaraha ka dhashay is-rasaaseyntaasi,Salaad Cali Jeelle ayaa maalinimadii shalay soo gaaray Magaalada Mahadaay ee G/Sh/Dhexe, halkaas uu kaga qeyb galayay Aaska Aabihii oo ku geeriyooday Muqdisho, kaasoo loo soo qaaday Meydkiisa Mahadaay.
|
|
|
 |
Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line Read More |
|
 |
 |
 |
|
|
 |
 |
 |
 |
 |
 |
 |
 |
 |
 |
 |
 |
|
 |
 |
 |
|
 |
 |
 |
|